SAWIRRO: 35 Qof Oo Ku Dhimatay Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Kabul

Qrax loo adeegsaday gaadhi ayaa saakay ka dhacay goob suuq saxmad badan oo ku yaal magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, waxaana ku naf waayay 35 qof, in ka badan 40 kalena waa ku dhaawacmeen.

Qof naftii hure ah ayaa gaadhi miineysan ku dhuftay gaadhi kale oo ay saarnaayeen dad shacab ah iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda macdanta sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan, Najib Danish.

Khasaare xooggan ee ka dhashay qaraxaan ayaa sabab u ah goobta oo aheyd meel saxmad badan , waxayna saraakiisha caafimaadka sheegeen inay ka cabsi qabaan in dhimashada ay kordhi doonto.

Madaxwaynaha Afqaanistaan Ashraf Ghani ayaa canbaareeyay weerarkan ugu danbeeyay.

Magaalada Kabul ayaa sanadkan waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah oo ay dad badan ku dhinteen waxaana qaraxyadan inta badan lagu eedeeyay in ay ka danbeeyaan kooxda Taliba iyo kooxda isku magacaawday dowladda Islamka.