SAWIRRO: Farmaajo Oo Guddi U Saaray Dib U Howlgelinta Jaamacadda Gaheyre.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa guddi u magacaabay dib u howlgelinta Jamaacadda Gaheyr oo dhawaan ay ka baxeen ciidamo ka tirsan AMISOM, kuwaasi oo mudo toban sano ah degaan u aheyd.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dib u howlgelinta Jaamacadda Gaheyr ay xoogga saarayaan isla markaana ay ka faa’iideysan doonaan Kun arday oo wax ka baran doona.

“Dib u hawlgalinta jaamacadda Gaheyr waxaa ka faa’iideysanaya kun arday oo lacag la’aan ku dhiganaya tobanka kulliyadood ee Jaamacadda Umadda” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo oo shalay shir guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga sare ee jaamacadda umadda oo ka dhacay xarunta Gaheyr.

Madaxweynaha ayaa shalay booqday xarunta jaamacadda, isagoo qeyb qeyb socod ku maray xarumaha ay ka kooban tahay jamacadda Gaheyre.