XOG: Wadahadallada DFS iyo Somaliland oo mugdi galaya Adna Aadan Darteed!

Maamulka Somaliland ayaa Adna Aadan Ismaaciil usoo magacaabay  wakiilkooda gaarka ah ee wadahadallada dowladda Federaalka, taasi oo dad badan oo aqoon u leh adna ay la yaabeen.

Siyaasiyiinta ku xeel dheer arrimaha Labada dhinac waxay sheegeen in hadda lasii kala fogaan doono, islamarkaana aanay macquul noqon doonin in wadahadal isku fahmaan Somaliland iyo dowladda Federaalka.

Adna ayaa la sheegay ineysan ka talin karin maslaxadda Labada dhinac, in la isku sii dhaco mooyeen.

 

Adna waxay horey usoo noqotay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waa shaqsi ay ku weyn tahay Somalilan-nimada.

Waxay adna ku adag tahay qadiyadda Somaliland, waxaana aanay marnaba ogoleyn in ay kasii mid ahaadaan Soomaaliya.

Hadallo badan oo ay Adno jeedisay waxay ugu gaftay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in aysan Soomaaliya wax la yiraahdo aqoon.

Dowladda Soomaaliya waxaa hadda loo dhigay Imtixaan u baahan in xeelad loo adeegsado ka gudbitaankiisa Wanaa kuba iyo laag cusub oo ay Hargeysa soo laaday.

Hadaba Waa Tuma Adna Aden?  

Edna Aden Ismaciil waxaa ay ka dhalatay qoys aqoon leh oo ka soo jeeda Hargeisa 1937dii, waxaa ay yaraanteeda wax ku baratay dalka Djibouti kadibna waxaa ay deeq waxbarasho ka heshay dalka Ingiriiska October 1954-tii,  iyada soo baratay nursing, Umulisinnimo iyo maamulka Cusbitaallad, waa gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo deeq waxbarasho dibadda u aada.

Waxaa kale oo shahaado caadi ah iyo mid sharafeed ka heysataa Jaamacado ku yaalla dalka Ingiriiska, Faransiiska iyo Koonfur Afrika.

Waxaa ay muddo dheer ka shaqeysay hey’adda caafimaadka ee WHO, waxaa ay markii ugu horreysay ka shaqo bilowday WHO in 1965 iyada oo tagtay Tripoli, Libya halkaas oo ay joogtay 2 sano iyo badh.

1967-dii waxaa uu seygeeda Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal noqday ra’isul wasaaraha Soomaaliya kolkaas oo ay dalka ku soo noqdeen, waxaa lagu xasuustaa iyada oo xaaska ra’isul wasaaraha ah iney ka shaqeyn jirtay Isbitaalka.

Burburkii kadib, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa uu noqday madaxweynaha Somaliland, Edna waxaa ay dagaal la gashay gudniinka fircooniga, waxaa ay safaro ku tagtay Afghanistan, Pakistan, Iraq, Morocco,  Sudan, Yemen iyo dalal kale, markii ay howlgab noqotay 1997-dii, waxaa ay bilowday Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Edna Aden ee magaalada Hargeisa.

2002,  waxaa ay noqotay wasiirka Haweenka ee Somaliland, waxaa kale oo ay qabatay Wasaaradda  arrimaha bulshada iyo sidoo kale wasaaradda  arrimaha dibadda. 2006 Wixii ka horreeyay waxaa ay aheyd Haweeneyda keliya ee Wasiir ka noqotay maamulka Somaliland.

Hadda, Waxaa uu Madaxweynaha maamulka Somaliland u magacaabay iney hor kacdo wafdiga Somaliland u matalada wada haddalada ay kula jiraan dowladda federaalka ah.

March 3, 2015: Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo fashilmay: Wufuudda ay dowladda Federaalka iyo Somaliland u kala dirsadeen wadahadalka Istanbul, ayaa kusoo kala laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa. Waftiga dowladda Odawaa ayaa hogaaminayey.