Beesha Ciise Si Adag Uga Cadhootay Hadalkii Abgaalow Kaga Dhawaaqay Boorama Iyo Warmurtiyeed Ay Soo Saareen

Afhayeenka Qurba jooga beesha Ciise, Deeqa Cali Buux, ayaa Hadhwanaagnews soo gaadhsiisay war murtiyeed ay haldoorka beeshaasi ka soo saareen wadanka UK kuwaas oo waxba kama jiraan ku tilmaantay hadalada ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee Wasaarada Boosaha Isgaadhsiinta Somaliland.
War murtiyeedkaasi ayaa u dhignaa sidan:
„Haddii aanu nahay qurba jooga beesha Ciise ee ku nool qaarada Yurub iyo Maraykanka waxaanu jawaab adag ka bixinaynaa hadalka soo yeedhay wasiirkii hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta somaliland Maxamed Jaamac Abgaalow, kaas oo sheegay in beesha Ciise aanay xukuumada somaliland ku lahayn shaqaale hoosaad iyo masuuliyiin ka hoosaysa wasiir oo madaxweynuhu digreeto ku magacaabay, waxaanu leenahay haddii aad anaga noo hadlayso saamigayagii beeshaada Samaroon ayaa ku fadhida ee nooga kici, waxaanay beeshaadu sheegataa deegaanadii aanu xaqa u lahayn iyo kuraastayadii.
Haddii cidi duulaan ku tahay beesha Ciise waxa duulaan ku ah beesha samaroon ee uu ka soo jeedo wasiirkii la eryey ee Maxamed jaamac Abgaalow, beesha Samaroon waxay nagu haysataa deegaanadayadii iyo saamigii aanu xukuumada somaliland ku lahayn, waxaanan leenahay doorashada isku meel mari mayno una codayn mayno xisbiga aad raacdaan, waxaanu la yaabanahay sababay beesha Samaroon mar kasta u sheegato deegaanadayada noo gaarka ah ee aanu leenahay waayo anaguba kama hadalno mana sheegano deegaanada beesha Samaroon.
Waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan beesha Ciise inay si wanaagsan uga qayb galaan codbixinta doorashada Madaxtooyada Somaliland ee soo socota oo ay ilaashadaan deegaanada isla markaana aanay u ogolaan inay cid kale ka codayso.”
Afhayeenka qurba jooga beesha ciise
Deeqa Cali Buux
HADALKII ABGAALOW KA JEEDIYEY BOORAME HALKAN HOOSE KA DAAWO: