QISADII FIRCOON IYO KHABIIR KU MUSLIMEY.
Sannadkii 1981-kii oo ahayd markii uu xilka madaxweynenimo ee dalka France qabsaday madaxweyne François Mitterrand, Waxa uu France aakhirkii Siddeetamaadkii ka codsaday dalka Masar in maydka Fircoon muddo la aammaanaysiiyo si ay khubarada dalka France baadhitaanno cilmi ah ugu sameeyaan. Fircoon oo ahaa Daaquutkii ugu weynaa ee dunida soo mara ayaa maydkiisa loo gudbiyey dalka France, markii diyaaradda sidday maydka Fircoon ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris, waxa salaan foorarsi ah ku soo dhoweeyey madaxweyne François Mitterrand, dhammaan xubnihii golihiisa wasiirrada iyo masuuliyiin waa weyn oo Faransiis ah. Sida rasmiga ah ee dalka Faransiiska loogu soo dhoweeyo boqorrada soo booqda ayaa loogu soo dhoweeyey maydka Fircoon, kadib kolonyo gaadiid heer sarreeya ah ayaa u qaaday xarunta hiddaha ee dalka France si loogu sameeyo baadhitaan cilmi ah oo ay fulinayaan khubarada ugu waaweyn cilmiga hiddaha, dhakhaatiir iyo aqoonyahanno aad u tiro badan. Khubarada daraasaddan samaynaysay waxa hormuud u ahaa Professor Morris Bocay oo ah khabiir weyn oo looga dambeeyo cilmiga raad-raaca taariikhda iyo dib u dhiska raadadka taariikhiga ah ee burburka ku dhaw. Dadaalka ugu weyn ee Morris Bocay waxa uu ahaa in uu ogaado sida uu dhab ahaan u dhintay Fircoon. Ugu horreyntiiba waxa yaabka keenay waxa uu ahaa in maydka Fircoonka weyn ee la keenay dalka Masar uu kaga duwanaa maydka fircoonnadii hore yar yaraa, Maydka Faraacinada waxa sida qasilka loogu dhoobi jiray caleen laga keeni jiray dhulka udugga oo ahaa deegaannada bariga ee Somaliland, si looga ilaaliyo in maydku qudhmo ama is beddelo. Waxa ay khubaradan Faransiiska ahi aad ula yaabeen in maydkan fircoonka weyn aanu is beddelin iyada oo aan la marin haba yaraato ee wax dhir iyo caleen ah.
