Runtaan La Rabine Dadkan Siyaasada Jabuutiba Rubada Goysay!

Biloow jabhadda Soomaaliyeed U baxeen dalka Ethiopia iyo Dagaaladi Sokeeye Xigey ee ka qarxay Soomaaliya dawladda Jabuuti waxay si Toos ah iyo si dadbanba ula Safatay jabhaddi SNM ee waqooyiga Soomaaliya ka dagaalamaysay Talaaba ay Jabuuti ku Taageertay jabahadi SNM ee ka mid ahayd caduwga ugu wayn ee dawlada Mohamed Siyad Barre waxay ummadda maanta ku dulman Saylac iyo Lughaya u keentay cadaawad ay dawladi Soomaaliya u qaado si uga aar goosado ama u ciqaabto ummada reer saylac dawladi Soomaaliya waxay hubaysay beelo ay reer Saylac ood wadaag ahaayeen iyo jabhado canfar ahaa oo magaalada Boorama ku lahaa sal dhigyo lagu taba baro si khal-khal siyaasadeed loogu abuuro dawlada jabuuti.
Waxaa kalo ay dawladi Soomaaliya soo tugtay xuduuda Lowyacado Ciimadaddi Xooga dalka Soomaaliya iyadoo Jabuuti kaga ashkatootay in ay xadka Soomaaliya ku soo xad gudubtay arrinta oo ay jabuuti beenisay waxaa addeecada BBC ta laanta Af Soomaaliga ka hadlay oo ariinta Soomaaliya beeniyey Generaal Cali Maydal Wacays oo uu Waraysi ka Qaaday Wariye Cabdulqaadir Kaahiye oo ka tirsan Radio Jabuuti.
Waxaa isla Marka waxaa ka hadlay Radio Muqdisho Omar Elmi Khayreh oo jabhad dawlada jabuuti lidi ku ah kaaga dhawaaqay dalka Soomaaliya arinta waxaa barnaamij ka diyaariye wariye Abubar Muuse oo isna ka tirsan Radio jabuuti barnaamijka oo loogu magac daray;
(baroortu orgiga ka wayn ee mucaaradka Jabuuti ee Xamar jooga ma Diyaaradba ku jabtay)
Dhacdooyinkaas waxay na xasuusinayaan sida uu xumaaday xidhiidhkii Soomaaliya iyo Jahmuuriyadda jabuuti dagaalkii ka socday waqooyika Soomaaliya ee uu dhaxeeyey jabhadi SNM iyo ciidamaddi Soomaaliya.
Beelihi iyo jabahadi ay Soomaaliya hubaysay ee jabuuti lagu xumaynaayey weeraaraddi ay soo qaadeen wuxuu culayskoogu ku dul dhacay ummada ciise ee maanta nolosha lagu daldalay dagaalka way ku xoola beeleen way dul beeleen way geesi iyo garab waayeen taageerayaashi jabhadi snm waxay u qaxeen dalka Ethiopia halka dadki reer saylac iyo Lughayana u qaxeen dalka Jabuuti oo ay ilaa maanta qaxooti iyo dal laawe ku yihiin in ay halka qaxooti ku ahaadaana waxaa siyasaad waraabe ay jabuuti ka dambayso sababtana cid sheegi karta ma jirto.
Taliskii Siyad Barre Markii Xukunka laga Tuuray jabhadi Snm waxay xoog ku qabsaday dhamaan goboladdi Waqooyiga Soomaaliya waxayna la soo baxeen agende u qarsoona oo ah waxaa loo yaqaan (Gooni-isu-taag) dawlada ,calan,iyo magac cusub Soomaaliland Beeshi ciise ee garabka iyo gaashanka u ahayd jabhadi SNM arinta aan cidna laga tashan waxay ku gacan saydheen ila maanta ma ogola waana sababta koobaad ee ay Hargeysa u daldashay ummadan saylac iyo Lughaya ku nool ee muwqifkeega ku adag ay gooni isu Hargeysa taaga ka qaateen.
Arrintaas ku dhawaaqida gooni is-taaga maamulka Soomaaliland iyo jabuuti waxay sababtay in ay Siddi dawlada Soomaaliya oo kale usoo kala dhex kalo is af garan waa isla muda yar ka dib waxaa saxaafada ka hadlay wasiir maamulka Hargeysa ugu qaabilsana wasiirka difaaca ayaa dawlada jabuuti ku sheegey SANDWICH yar oo ay afka gashan karaan saacado yar gudohood ka dibna Jabuuti siddii caadada u hayd waxay xidhatay xadka Lowyacado dadki tiro yara ee ciise ee ku hadhay Saylac iyo Lughaya waxay Jabuuti uga soo Carartay laba Buurood (Hargeysa iyo Boorama)oon rabin dhexdood waxaana lagu soo qaaday weerar saf balaadhan ah oo ay u dhan yihiin labada Buurood waxaana lagu soo uruurshay xadka jabuuti iyo xeryaha qaxootiga Cali-cadde iyo Holl-Holl waxay halka ku jiraan wax ka badan 25 sanno.
Marar badan oo Hayadda qaxootiga aduunka ee HCR ay isku dayday in dadka dib loo cesho waxaa is hor taagtay Jabuuti iyo duruufo aan la fahmayn.
25 saano ka dib Maanta qaylada ka soo jeedhay dad yar oo reer Baadiye ah oo bariga Lughaya ku daldalan waxay ka dhalatay damaca galay labadi Buurood oo xita ka xishióon waayey jabuuti oo ay ku xidhan tahay nooloshoodu waxaa taa kasii daran damaca iyo dhul boobka goobta laga soo afuufo ee salka u ah ayaa noqotay isla xaruunta looga arimiyo dalka jabuuti (Haramuus) oo maamulka Hargeysa ay dadban gacanta midig ugu dhigeen.