CIISAHA LAGU DARAY ISMAAMULKA CAFARTA OO SILIC IYO CADAADIS ABIDKOOD SOOMARIN KU HOOS NOOL.

Ciisihii Lagu Daray Ismaamulka Cafarta Oo Silic Iyo Cadaadis Abidkood Soomarin Ku Hoos Nool!!

Sida aan wada ognahay Dawlada dhexe ee Itobiya ayadoo si badheedh ah u baal martay distuurka wadanka ayay Beesha Ciise hoos gaysay Cafar.

Shacabka Ciise marnaba ma ogolaan in la hoos geeyo ismaamuka Cafarta.

Hasa ahaatee waxaa arintaa la fuliyay dawlada Federaalka Madaxwaynaha degaanka Soomalida.

Waxaa si duduub ah Beesha Ciise ayagoo raali ka ahayn loogu sheegay in ay xaquuq ku yeelan donaan ismaamulka Cafarta.xaquuqdaas oo lagu soo koobay 11an qodob oo ilaa maanta wax ka hirgalay uunan jirin.

Ismaamulka Cafartu waxay si cad ugu shegeen Ciisaha inay haba yaratee ku lahayn wax xaq iyo xaquuq midnaba, ayna si khalad ah u dagan yihiin dhulka ayaga loo xakumay.

Afartaa sano ee Ciisaha la hoos geeyay ismaamulka Cafarta waxaa Ciisaha laga dilay dad koor u dhaafay boqolaal,isla wakhtigaas waxaa laga qaatay ama laga boojiyay kumanaan xoolo ah.

Ciisaha waxaa caado u noqotay in xabsiyada ismaamulka Cafarta laga buxiyo,marka la soo dayneyana laga qaado lacag baad ah oo madax furasho ah.dadkaas layska xidhayo lama geeyo maxkamad.Dulmigaa lagu hayo Beesha Ciise Dawlada federaalku si buuxda ayay uga warqabtaa.

Ciisuhuu dhibtaas lagu hayo waxay dhamaan gaadsiyeen xafiisyada da wlada federaalka ay arintani khusayso.

Wakhtigan xaadirka ah Ciise farabadan ayaa ku xidhan xabsiyada iyo xeroyinka poliska ee degan cafarta.

Waxaan ognahay in 5dhalinyar ah ku xidhan yihiin magaallada Hawaas,11an kalena lagu hayo Barta.intaas waxaa soo raaca kuwa ku xidhan samara oo tiradooda aan wali si cad u haynin.

Magaalada gawaani waxaa ku xidhan 2ba baabur ,5askar ah iyo 10 shaqaale ka tirsan isamaamulka degaanka soomalida.Shaqaalaha waxaa laga soo qabtay dhul ku yaal degmada Afdam.