Salal Guud Ahaan iyo Sittibaan Ka Hadlaynay ee Diri-dhabana Akhristaa

Cadaalad Darada Kajirta Awood Qaybsiga Ismamulka Diridhaba

Sidaaan wada ognahay magaalada diridhaba waxay waligedba ku magacawnayd meel soomaaliyeed oo ciise iyo gurgure iska leeyihiin . (diredawa isana gurgura awraja) . mudo imika laga joogo toban sanno ayaa maamulka EPRDFtu ku qasbeen dadkii soomaaliyeed in diridhabe oromo iyo Somali maamulka wadaagaan.taaso xeer daro ahayd

Hase ahaate maamulkii Asad Siyaad uu madaxa ka ahaa waxa uu ku dhaqaaqay talaabooyin cunsurinimo oo ka dhan ah qoomiyada soomaalida.

Talaabooyinkaas waxaa ka mid ahaa

1. Barakacin balaadhan oo dhulkii ay asal ulahaayeen soomalidu laga kicinayo sifoolxun oo kutalagal ah oona wax xushmad ah habayaraatee kujirin

2. Xafiiska dhulbixinta-bixinta ama mareetlimaat ka waxa uu isdabadhigay silsilad dheer oo shaqaale oromo ah oo cunsuriyiin ah. Kuwaasoo dagaal cad ooq awan oogeedna loogu gabanayn ku qaaday qoomiyada soomalida .

3. Shaqaalaas dhulbixintu waxay ku sifoobeen musuqmaasuq iyo maamul xumo .haddii aan soo qaadno tusaale waxaa jira dhul layiraahdo real state oo iyaga iyo ninka real stateka ku qoran ay wada iibsadaan, arintaas na waxa sidhaba ulawaday asad siyad.

4. Saddex boqol oo xujadood (kaarta) ayuu lixdii bilood ee ugu danbaysay shaqadiisa dad oromo ah u qaybiyay ama siiyay dadkaas oo ubadan goobta layidhaahdo genda awaday wuxuuna uboobay nimankaas oromo dhulbeereedkii booraneed ee ciisuhu lahaa oo xoog iyo awood lagaga boobay.

5. Iyada oo aan ognahay dariiqyadii magaalada in ladagay oo guryo dhagax ah laga dhex dhistay oonan dadkaasna lala hadli Karin dhinaca kalena la burburinayo guryihii dadka beeralayda ah ee booran degan .

Hadaba waxaan cabasho u diraynaa dawlada federalka iyo ismaamulka cusub ee diridhabe, anagoo sigaara uga cabanayna xafiiska dhulbixinta ee reer qudha uu yeeshay ayna wali sii joogaan dadkii kusifoobay musuqmaasuqa iyo tuugada iyo cunsurinimada .

6. Waxaan dawlada ka codsanaynaa in maamulka dhulbixinta loo dhiibo dadkii asal ahaan u lahaa magaalada iyo deegaanka magaaladu ku fidayso.hadii sidaas layeelin waxaa dhici doono kacdoon lasoo koobi Karin

7. Dadkii dhulka lahaa oo lagu badalay dad dhulkale laga keenay arintaasna ay dhib wayn keeni kart.

8. Waxaan si adag u waydiisanaynaa Dawlada in ay laxisaabtamto dadkii dhulka iibiyay ee ka dhigtay mareed limaadka meel ay waxay doonaan ka sameeyaan oo wali siijooga Xafiisyada .Dadkaas Danbiyada waawayn galay waxaan rabnaa in la hor keeno Maxkamada.

9. Waxa kale oo aan aad uga xunahay shaqo la’aanta dhalinyarada magaalada ku dhalatay ee wax baratay ee loo diidan yahay magaaladooda inay ka hawl galaan, anaga oo arkayna in dadkale la shaqaalaysiinayo.

10. Waxaan rabnaa in la hirgaliyo Qaybtii shaqaale ee aan magaalada ku lahayn, qaybtaasoo ahayd 40% Somali 40% oromo iyo 20% dadka kale taasoo shaqaalaha soomaaliyeed yihiin wax ka yar 5% 100% kiiba

11. waxaan si adag u codsanaynaa qaybtaas aan xaqa u lahayn in aan sida ugu dhakhsaha badan u helno.

12. Waxa kale oo aan aad uga xunahay qaybtii aan ku lahayn booliiska oon aan wali haynin.halkaas oo balantii lanagaga baxay.

13. Bara kicinta dhulka ; waxaan dawlada ka codsanaynaa in la joojiyo barakicinta lagu hayo dadkayaga .

14. Dhulka ka tirsanaa degmada shiniile oo si sharci daro ah loogu soo daray magaalada diri dhabe ,waxaan leenahay halagu soo celiyo degmadii uu dhulkaasi ka tirsanaa .

15. Waxaanan ka xunahay bara kicinta lagu sameeyay dadkii ku noolaa dhulkaa ka tirsanaa degmada shiniile, ee sida sharci darada ah loogu daray ismaamulka diri dhabe. Arintaas oo aan marnaba ogolaanaynin.

Haddii aan nahay Dadka soomaaliyeed ee ilaahay Dajiyay magaalada diri dhabe ee deegaankan iskalahaa waxaan tirsanaynaa tacadiyoow badan oo uu noo gaystay maamulka EPRDFtu dhulkan oo waligiiba lagu magacaabi jiray ciise iyo gurgure oo ah dadkii magaalada dhisay deegaankana degenaa ee loogu wada yimid.

Waxaan leenahay dhibaatooyinka nalagu hayo ee ay barakicintu kow ka tahay iyo dhalinyarada soomaaliyeed oo waxba looga ogolayn dhulkooga hooyo in la joojiyo dagaalka gaarka ah ee nalagu hayo.

Waxaan marlabaad leenahay maamulkan qasabka nalagaga dhigay ee awood qaybsina aan ku lahayn in wax laga badalo.

Waxaan si adag u doonaynaa dadka iska hor keenay qawmiyadaha ee dhulboobka ku talax tagay in maxkamadaha naloo hor keeno .