SAWIRRO: Maxaad ka taqaan saddexda nin ee ugu taajirsan Soomaalida iyo hantida ay heystaan?

Wargeyska ganacsiga bariga Afrika ka faallooda ee loo yaqaano Busiweek ayaa qoray warbixin uu kaga hadlayo sadexda nin ee ugu taajirsan Soomaalida ka dib qiimeyn uu ku sameeyey.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay  ninka Soomaalida ugu taajirsan uu noqday Axmed Nuur Cali Jimcaale oo iska leh bankiga Salaam isla markaana masuulka ka ah khadka isgaarsiinta ee dhulka Soomaalida.

Wargeyska ayaa sheegay in Axmed Nuur Jimcaale uu haysto lacag dhan 1.3 bilyan oo doollarka Maraykanka ah.

Kaalinta labaad waxaa ku jira Maxamed Siciid Ducaale oo ah Mulkiilaha shirkadaha Dahabshiil Group, wuxuuna haysta lacag dhan 1.1 Bilyan oo dollar.

Kaalinta 3aad waxaa ku jira sida wargeysku qoray ganacsadaha reer Jabuuti Cabdiraxmaan Boore oo ah maalgashade, wuxuuna hanti ku leeyahay dalalka Emiratka, Ingiriiska, Singapore iyo meelo kale, hantidiisa waxaa lagu qiyaasay inta u dhexaysa 750 milyan ilaa 960 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Waa markii ugu Horeeysay ee aduunku  ama Soomaaliduba ogaato in ay dadka Soomaalidu leeyihiin dad maalqabeena oo gaadhay ilaa heer xafaada caalamku ka faalooto.

Axmed Nuur Jimcaale
Maxamed Siciid Ducaale
Cabdiraxmaan Boore