DAAWO: Liibaan Mustafe, Wiilkii Indhaha laga soo Riday oo Carabka wax ku arkaya iyo Arin la yaab leh

Liibaan Mustafa Xasan oo ah Muwaadin Jabuutiyaan ah oo Aragiisa waayey kadib markii ay soo weerareen rag ay siyaasada isku qilaafeen, ayaa waxaa uu helay Muraayad kaamiro ay ku xidhan tahay taasi oo lagu talaalayo carabkiisa isla markaana siinaysa dareen uu ku kala garto qofka ka horyimaada isagoo kaligiis socon kara Wadooyinka.

Muraayadahaan  ayaa ah qalab ku cusub Aduunka oo si tijaabo ah loogu bilaabay dalka Maraykanka waxaana nasiib u helay Liibaan Mustafe oo isagu ahaa dhibane, Hadaba Wariyaha Universal Tv ee dalka Maraykanka MDeeq darajo ayaa Wareystay Liibaan Mustafe.