SIR CULUS: Gabre oo ku Lug yeeshay Kaniisada laga Hirgaliyay Hargeysa.

Generaal Gabre oo ahaa wakiilka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii xilkaasi laga qaaday, waxay is lahaayeen shacabka Soomaaliyeed wuu ka fara marnaan doonaa la socoshada iyo fara galinta Soomaaliya.

Balse aragti ka duwan midii ay shacabka qabeen ayaa soo ifbaxday maadaama Gabre tan iyo markii Soomaaliya laga bedelay uu dhowr jeer fara galin iyo ka hadlida danaha Soomaalida sameeyay.

Xog gaara oo ay heshay wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in uu ku lug leeyahay General Gabre Heard Kaniisada laga furay Magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay in guul weyn ay tahay hadii la hirgaliyay.

Wax qarsoon maaha in Bogiisa Facebook uu ku soo qoray Kirishtaanka Soomaaliya jooga inay hada helayaan fursado badan oo ay ugu noolaan karaan Soomaaliya mar hadii Kaniisad kale la furay.

Waxaa laga yaabaa hadii aad tahay Akhristaha Warqaad.com inaad is weydiineyso maxay tahay Kaniisad kale oo aan la ogeyn oo Soomaaliya hore uga shaqeyn jirtay?

Su’aashaas jawaabteeda wuxuu Gabre kala jeedaa in Kaniisada kaliya ee hada shaqeyneysay ay tahay mida ku taala Xarunta Xalane oo Kirishtanka meeshaas degan ay ku sheegaan inay ku cibaadeystaan.

Shaqsiyaad si weyn ula socday Kaniisada dib loogu dayactiray Hargeysa oo mudo 30-sano ah burbursaneyd ayaa sheegay in Gabre iyo shaqsiyaad kale ay ku lug leeyihin waxayna doonayaan in Soomaaliya ay ka tirtiraan sheegashada umad Islaam ah Boqolkiiba boqol, waxaana ujeedada ugu weyn ay tahay inay Gaalo badan dalka timaado sidoo kalena Soomaalida Kirishtaanka ah ay dalkooda ku soo laabtaan taasoo dhaqan xumo ku soo kordhin karta umada wanaagsan ee Soomaaliyeed.