Ninkii Sheegan Jiray Mayeerka Saylac oo Galab dheer Saylac ka Caraabay

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Soomaliland ayaa Waxey Sheegayaan in Maayirkii Degmada Seylac Xuseen Iidle Barkhadleh uu iska Casiley xilkii Maayirnimo ee Degmada Seylac ,Sida Shabakada u Xaqiijiyeen ilo Wareeedyo ka ag Dhaw Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Maamulka Soomaliland oo maayirka Degmada Seylac uu Gubiyey waraaqada Is Casilaada , ka Dib Markii uu Khilaaf Cakiran ka dhex dhacey Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha Soomaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Xiin Faratoon iyo Maayira Seylac kaasi oo gaadhey heer Gacanta iskula gaadhaan ,Taasoo Sababtey in Maayirka Seylac Xuseen Iidle uu iska Casilo Xilkii Maayirnimo ee Degmada Seylac , Arrintan ayaa Ku soo beegmeysa Xili Khilaaf Gaamurey oo u dhexeeyey  xildhibaanada golaha deegaanka seylac ,Maayirku Xigeenka oo Dhinac iyo Maayirka Seylac laba dhina u kala Fadhiyeen .

Ilaa Imka War Rasmiya oo la Xidhiidha Ma Jiro Is Casilaada Maayirka Degmada Seylac ee Gobolka Salal Waxase Is Casiladani ku soo Beegmeysaa Xili Xaalada Maamul ee Degmada Seylac laga deyrinayo ,Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaliland Wali War Rasmiya kama soo Sarin Is Casilaada Maayirka Seylac waxase maalinta laga Dhur sugayaa in Maayirka Degmada Seylac uu ku dhawaaqo iyo in kale  ,Is Casilaadan Maayirka Seylac ayaa Waxey Fursada u noqon doontaa Xildhibaanada Mooshinka Xilka Qaadista Ka Keeney .

Wixii Warar ee ka soo Korodha Kala Isha Ku Hey Shabakada Xeer News24.Com