Ciidamada Amisom & Kuwa DFS oo ka baxay deegaanka Leego & Itoobiyaan.

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Saaka waabarigii horee ay Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM iyo kuwada dowladda Soomaaliya ay iskaga baxeen Degaankaasi.

Goobjoogeyal ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM Saaka Waabarigii ay Faaruqiyeen Degaanka Leego oo Fariisin ay ku lahaayeen,waxaana aan la ogeyn Sababta ay uga baxeen.

Ciidamada ayaa aaday dhanka magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana la arkayay iyagoo wata gaadiid dagaal oo aad ubadan.

Deegaanka Leego ayaa gacanta dowladda soo galay mudo dheer kahor, laakiin Shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaaday waxaana kamid ahaa kii Sanadkii 2015 ay ku laayeen askar badan oo kasoo jeeda Dalka Burundi.

Ilo wareedyo kale oo la helayo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay kusii jeedaan deegaankaas Leego oo ay halkaas la wareegi doonaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shabaab ay haatan ku sugan yihiin meel aan ka dheereyn deegaankaas Leego ayna daqiiqad walba la wareegi karaan.

HOOS KA DHAGASYO WAREYSI SABABTA BIXITAANKA