Dab xooggan oo qabsaday dhismo ka kooban 79 dabaq oo ku yaalla Dubai

Dab xooggan ayaa qabsaday dhismo aad u dheer oo ku yaalla magaalladda Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta, waana markii labaad mudo labo sano gudahood ah dab nuucan oo kale ahi qabsado dabaqan.

Dabaqa ayaa waxaa lagu magacaabaa Torch Tower, waxaana uu ka koobanyahay 79 dabaq, waxaana la furay 2011kii.

Wuxuu ahaa dabaqii ugu dheeraa adduunka ee deegaan ah markii la furayay, laakiin intaas ka dib waxaa ka dul maray lix dabaq oo kale.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dabka oo ku faafaya dhismaha Torch Tower iyo burbur holcaya oo ka soo daadanaya.

Xukuumadda ayaa markii dambe sheegtay in shaqaallaha gurmadku ay ku guulaysteen in ay dadka ka daad gureeyaan dhismaha dabkii ayaana la xakameeyay.

Ma cadda wixii sababay dabka ka kacay mid ka mid ah dhismayaasha ugu dheer dunida.

Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo dad ka soo gaaray dabkan qabsaday dhismaha Torch Tower, sida ay Twitterka ku soo qoray xafiiska warbaahinta ee Dubai.

Wuxuuna intaas ku daray in ay wali socdaan hawlgal lagu bakhtiinayo dabka.