SAWIRRO: Mohamed Farah oo Mar Kale lagu daba Hiinraagay Orodka 10,000 Mitir Tartan ka dhacay London.

Orodyahanka Ingiriiska ee asalkiisu yahay Soomaaliya Mohamed Farah ayaa ku guuleystay tartanka orodka 10,000 mitir ee orodka World Athletics Championships.

Tartankan oo ka dhacay magaalada London ayaa noqonaya markii 6-aad ee Mohamed  Farah uu bilad caalami ah ku guulaysto, waxaana garoonka uu billada cusub ku qaaday uu yahay Lodon Stadium oo sanadkii 2012 uu isla biladan ku guuleystay.

Mohamed Farah oo 34 sano jir ah wuxuu kaalinta koowaad ka galay Joshua Cheptegei oo Uganda ka socday, iyo Paul Tanui oo Kenya u dhashay. wuxuuna ku orday 26 daqiiqo iyo 49 seken.