Maamulka degmada Buulo Burde oo furay waddo u xidhneyd AMISOM (Sawiro)

 Wararka ka imanaya degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidmada AMISOM ee Jabuuti ay fureen wadada laamiga ah oo hore ugu xidhneyd kadib markii ay wadahadalo dhex mareen maamulka degmada iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee Jabuuti.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Buuloburde Cabdi Daahir Guure ayaa la kulmay dhowaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM isagoo kala hadlay sidii ay u dib ugu furi lahaayeen wadada laamiga ah ee dhex marta degmadaas.

Furitaanka kadib ayaa shacabka magaalada Buuloburde waxa ay bilaabeen inay ka shaqeeyaan nadaafada goobaha muhiimka ah ee magaalada sida  Xarunta maamulka degmada ,Maxkamadda,iyo afaafka hore ee Masaajidka weyn ee ku yaala badhtamaha magaalada.

Guddoomiyaha degmada  Buuloburde ayaa sheegay in ay sare u qaadi doonaan horumarinta degmada Buuloburte isagoo u mahadceliyay shacabka magaalada dadaalka ay muujiyeen.

degmada Buuloburde oo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa waxaa badhtamaha ka mara wadada laamiga ah ee isku xidha gobolada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka Soomaalya hase yeeshee wadadaaas ayaa u xidhan ururka Alshabaab iyadoo gaadiidka ay isticmaalaan wadooyin qardo jeex ah.