DAAWO: Musharaxa Madaxweynaha Kenya Dida oo Dad badan ka yaabsaday: Quraan ayaan akhriyay lamana idooran”

Musharaxa Madaxweynaha Kenya Abdu Dida ayaa sheegay inuusan weli aqbalin natiijadda hordhac ah ee doorashada isagoo tilmaamay in gudiga doorashada laga doonayo iney qanciyaan Xisbiga Mucaaradka ee uu hogaamiyo Raila Odinga.

“Weli Natiijadda laguma dhawaaqin, marka ma ahan inaan sii qirto inaan guul dareystay”ayuu yidhi Dida oo kaalinta afaraad ka helay musharaxiintii utartameysay xilka madaxweynaha Kenya.

Waxaa uu yidhi “Dadka Gaarisa iyo Mandhera Quraan ayaan u aqriyay si ay ii doortaan, laakiin codkooda ima aysan siin”.

Waxaa uu dhanka kale yidhi” Waxa uu sheegay Raila Odinga shirkiisii koobaad waxaa ay aheyd in jawaab sax ah laga bixiyo oo la xaliyo khilaafka jira, laakiin gudigu sidaas ma yeelin, waxaana qabaa in dhamaan Foomamka 34 A iyo 34b lasoo keeno”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA