Jawaab Culus oo Dhulka Jiiday Mohamed Muuse Bucul(Buuni)

SHIR JARAA’IDOW MAXAA TAHAY?

Asaalmu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatu

Waxaan social media ha ka arkay Nin isku magacaabay Mohamed moussa bucul buuni sida uu sheektayna ahaan jiray badhasaabkii hore ee gobolka selel sheegtayna in uu ka midyahay siyaasiyiinta iyo wax garadka gobolka selel.

Waxaan social media ha ka arkay Nin isku magacaabay Mohamed moussa bucul buuni sida uu sheektayna ahaan jiray badhasaabkii hore ee gobolka selel sheegtayna in uu ka midyahay siyaasiyiinta iyo wax garadka gobolka selel.

Sida uu sheegtay, waxa uu qabtay shir jaraa’id oo isaga uun ku kooban, waxa uu sheegay in baryahan saxaafadda ay ka baxayaan hadallo ay tuurayaan shakhsiyaad ka mid ah beesha ciise waa sida hadalka uu u dhigay e isla markaana wax shir ah aan lagu qaban magaalada lughaya sheegayna in ay jirin wax dhibaata ah oo ka taagan gobolka selel khaas ahaan lixda goobood wuxuuna cadeeyay in wax khilaaf ah oo ka taagan ayna jirin gooboladaas kana raali galinayo beesha sacad muuse wixii halkaa laga yidhi.
Anigu halkan kama bixinayo jawaab mawduuca uu ka hadlay sababtoo ah cid walba oo ciise ahi way ka dharagsan tahay arrintaas,hadalkiisuna waxba kama badalayo go’aanka ummadda ku dhaqan gobolkaas iyo sida ay u ilaashanayaan dhulkooda, marka aan dib u fiiriyay na taariikhdiisa siyaasadeed iyo mugga uu leeyahay ma aha qof ku haboon in loo jawaabo sababtoo ah” Af noolna wuu hadlaa Eyna wuu ciyaa” balse waxa aan rabaa in aan wax yar u iftiimiyo shir jaraa’id wuxuu yahay sababtoo ah waxa uu kala saari la’yahay muuqaalada mirqaanka lagu duubo iyo shir jaraa’id.
Shir jaraa’id muxuu yahay?
Shir jaraa’id waa in aad warbaahinta usoo gudbisid macluumaad ku saabsan mawduuc markaa taagan una haysatid sabab adag oo kugu dhalisa,macluumaadka aad ku soo gudbinaysid waa in uu noqda wax cusub haddii kale wuxuu noqonayaa “war la qabo xiise maleh.”
1- qofka shir jaraa’id qabanayaa waa in ay u caddahay waxa uu ka hadlayo
2- Waa in uu xaddidaa meesha iyo wakhtiga uu qabanayo shirka jaraa’id
3- Waa in warbaahinta kala duwan la war galiyaa oo loo yeedhaa.
4- Shirka jaraa’id waa in uu ka hadlaa mawduuc xadidan ma aha in kolba meel loo boodo marka uu qofku dhameeyo waxa uu ka hadlayana waa in uu diyaar u noqdaa su’aalaha laga waydiinayo wixii uu ka hadlay jawaabna ka bixiyaa su’aaluhuna waa in ay ka bixin mawduuca laga hadlyo.
5- Shirka jaraa’id wuxuu u baahanyahay xidhiidhiye si aan looga bixin mawduuca shirkun u noqdo mid gudbiya ujeedadii loo qabtay.
6- Waxa shirka jaraa’id loo qabtay waa in uu ahaado arrin aad iyo
aad u muhiim ah.
Markaa qabashada shir jaraa’id wax qof qudha ku xidhan ma aha oo inta uu video iskaga duubo mobile asago kaliigii ah kuna magacaabo shir jaraa’id ,waxaan u arkaa in ay tahay sheekada nin wuxuuna lahayn ku mirqaamey.
Gunaanadkii waxa loo baahan yahay marka laga hadlayo arrin dan guud ah waa in wax badan la fiiriyo waxa afkaaga ka soo baxayana uu noqodo waxaad si fiican uga fikirtay oo afkaagu aanu ku xidhin.
Marka aan arko ninkan isku magacaabay in uu ahaan jiray badhasaabkii hore ee selel iyo kuwa kaloo lamid ah waxa aan helay jawaab in badan aan raadinaayay oo ah waxa gobolka selel uu oga danbeeyo gobolada kale ee Somaliland.
Wa Billaahi Tawfiiq

Qoraaga Aqoon Yahan Saalax Migil