DAAWO: Sh Roobow oo sheegay Inuu ka baxay Shabaab & Xog badan oo uu banaanka keenay.

Magaalada Muqdisho waxaa goordhow Shir Jaraa’id ku qabtay Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo katirsanaa Al-Shabaab, marna soo noqday Hogaamiye kuxigeenkii Xarakada Al-Shabaab.

Rooboow oo Axadii Muqdisho la keenay ayaa ku sugnaa Xarunta Hay’ada Nabad Sugida ee Habar Khadiijo oo ay aad u ilaaliyaan amnigeeda Ciidanka NISA.

Rooboow oo Saxaafada kula hadlay Hotelka City Palaca ayaa sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab mudo haatan laga joogo 5 Sano iyo 7 Bilood uuna intaas ku sugnaa buuro ku yaala Deegaanka Abal oo 18 Km ujirta Xarunta Gobolka Bakool ee Xudur.

Rooboow waxa uu qiray inuu ka tanaasulay fikirkii Xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo dhowr jeer ay kuwada dagaalameen deegaanada uu kaga suganaa Gobolka Bakool.

Wadaadka 57 sano jirka ah ayaa ugu dambeyn sheegay iney socdaan wadahadalo udheexeeya isaga iyo Dowladda dhexe meel wanaagsanna ay wax marayaan.

“Waan ka baxey Al-Shabaab Waxan codsanayaa Cafis Ka bixisteyda Khilaafka Al-Shabaab ayaa Sabab u ah taas oo ay sababteeda tahay in Al shabaab aysan Dadka u adeegin Shan sano Ka hor ayaan ka baxey Al-Shabaab Dowlada Wadahal ayaa inoo soo socda ,Waan ka Mahadcelinayaa Shacabka iyo Dowlada oo isoo dhaweeyey”