DAAWO: Shirkad Imaaraadka laga leeyahay oo Itoobiya ku Cadishay Dekada Berbera.

Ku dhawaad 200 oo gaadhi oo dalka Itoobiya laga leeyahay ayaa dekada Berbera mudo labaatan maalmood ah ujooga rarkii ay dekeda Berbera ka qaadi lahaayeen oo xaniban sabab loo malayn loolanka Immradka iyo itoobiya uu dhaxeeya.

Wadayaasha iyo masuuliyiinta Shirkadaha Gaadiidka Itoobiya ayaa Go’aan ku gaadhay in ay gaadiidkooda ku celiyaan dalka Itoobiya oo ay hore uga yimaadeen maadama oo mudo 20 maalmood ah ay sugayaan in loo soo xidho Maraakiibtii Raashinka Gargaarka ah ay ka qaadi lahayeen.

Arintan ayaa loo sababeynayaa in Dekadda Berbera ay buux dhaafiyeen Maraakiib u raran Shirkada DP World,taas oo cules badan keentay.

Shirkadda laga leeyahay dalka isku taga imaaraadka Carabta ee DP World ayaa la wareegtay Dekadda Berbera ka dib heshiis ay la gashay maamulka Somaliland.

Arintaan ayaa muran badan dhalisay iyadoo xitaa Dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay sharcidaro.