Wasiirka Boostada oo kulamo kala duwan la qaatey Masuulinta dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaadhsiinta iyo Tiknoloojiyada ee Xukuumadda Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa waxa ay kulamo kala duwan la qaateen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaadhsiinta dalka Jabuuti oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xoojinta xidhiidhka labada dal.

Kulamadan ayaa waxaa si gooni ah looga wada hadlay arrimaha xidhiidhka Iskaashiga ee dhinaca hergelinta heshiiska Boostada Jabuuti “La Poste de Djibouti” iyo iskaashiga dhinaca horumarinta Isgaadhsiinta, Sidoo kale Xubanaha wafdiga ayaa waxa ay kormeer ku tageen Xarumaha Shirkada Djibouti Telecom iyo shaldhiga xadhgaha fiber optic-ga dalka Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada  iyo Isgaadhsiinta dalka Jabuuti  Mudane Mudane Cabdi Youssouf Sougueh ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay wada yeeshaan labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti xidhiidh dhow ee dhinaca iskaashiga isgaadhsiinta iyo Boostada.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashur Xasan ayaa ammaanay horumarka ballaadhan ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xidhiidhka xadhgaha Fiber optic-ga isaga oo sheegay in ay wax badan ka faa’iideysan doonaan khibradda dowladda Jabuuti