Waa kuma ninka keliya ee Farmaajo iyo Khayre ka sareeya ?

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Agaasimaha Guud ee Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa loo aqoonsaday shakhsiga keliya ee ka amarka sareeya Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo & Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Fahad Yaasiin, ayaa door weyn ka cayaaray guushii uu Madaxweyne Farmaajo ka gaadhay doorashadii xafiiska madaxtooyada, ee 8-dii bishii February ka dhacday Magaalada Muqdisho, isagoona xidhiidh dhow la leh Dowladda Qatar.

Qorshaha Villa Soomaalia oo ahaa in Fahad Yaasiin uu dusha uun kala socdo siyaasadda dowladda, ayaa markeliya laga war helay wareegto daba-yaaqadii bishii May uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya, isla-markaana uu ninkaasi ugu soo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Villa Soomaalia.

Fahad Yaasiin, ayaa billihii June & July diray fariimo xasaasi ahaa, ka dib markii uu si saf mareen ah uu Villa Soomaalia uga eryay xubno si dhow uga soo shaqeeyay ololihii doorashada madaxtinimada ee Farmaajo. Xubnahaasi ayaa qaarkood ku beel ahaa Farmaajo.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu shakhsiyaadkaasi ugu cudurdaartay inaanu ka horimaan karin Fahad Yaasiin, isagoo ka cararaya inuu ku mano sheegto gacan qabadkiisii.

Fahad Yaasiin, ayaa tallaabo kale oo layaab gelisay Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ku dhaqaaqay horaantii bishan, markii uu ku amray inay isaga guuraan Qasriga Madaxtooyada.

Wasiiradan iyo Xildhibaanadan oo si dhow loola xidhiidhiyo Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ka codsaday inay kala hadlaan Fahad Yaasiin, si ay ugu sii nagaadan Madaxtooyada, ha yeeshee ay u sheegeen inay sii deganaan karaan, illaa iyo inta ay u guurayan goobo kale oo amni ah.

Ninkani oo xidhiidh dhow la leh Madaxda Dowladda Qatar qaarkood, ayaa sidoo kale yareeyay dhaq dhaqaaqyadii ka jiray Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo uu adkeeyay ogolaanshaha lagu soo geli karo. Dadkii isaga daba laalaaban jiray Madaxtooyada waxay hadda ku sheegayan in sheekadaasi ay soo idlaatay.

Cali C/laahi Cosoble, Madaxweynihii Hirshabelle ee kalsoonida lagala laabtay oo laba toddobaad ka hor Magaalada Muqdisho u tagey, talo uu Madaxda Qaranka u waday oo ahayd in dib looga fiirsado mowqifka dhexdhexaadnimada ee Soomaaliya ka qaadatay xiisadda ka jirta Khaliijka, ayaa la soo wariyay inuu ku dhego hadlay Fahad Yaasiin.

Cosoble oo dareensan in mowqifkaasi loo qaatay Fahad Yaasiin dartii, ayaa ku baaqay in danta dalka iyo dadkaba aan laga horumarin shillimaadka uu ninkaasi ka helo Xukuumadda Doha. Fahad oo ka gilgishay hadalka Cosoble, ayaa galaangal u yeeshay in maalmo yar gudahood uu kursiga kaga tuuro Cosoble, isagoo u sii maraya xafiiska xukuumadda.

Ilo wareedyo, ayaa ku waramaya in Farmaajo & Khayre aanu midkoodna ka horimaan karin go’aanada keli talisnimada leh, ee uu gaarayo Amiirkooda riigeystay Villa Soomaalia. Ilo wareedyadan waxay kaloo sheegayan in Fahad Yaasiin uu isu arko Amiir Carbeed oo milkiyay maamulkii dowladnimo ee Soomaaliya.

Mudadii yareyd uu ninkani ku magacownaa Agaasimaha Guud ee Aqalka Madaxtooyada, ayay ugu suurtagashay in shakhsiyaad ku saf ahi uu ka hawlgeliyo xafiisyada Farmaajo & Khayre, iyagoona u soo dusiya xoggaha ku aadan shaqada qaranka.

Iyadoo aan la garanayn cidda uu ninkani sirta qaranka u gudbiyo, ayaa waxaa la leeyahay hawl-yari buu ku helaa farriimaha ku soo dhaca warqabadka labada xafiis, sidoo kalena uu xogtoodu hayo fariimaha laga diro emailada xafiisyadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ninkani uu maalintii dhawr jeer Madaxweynaha kala soo hadlo teleefanadiisa, xilli ay ku wada sugan yihiin Villa Somalia, isla-markaana uu waqtigiisa muhiimka ahi kaga lumiyo wax lagu sheegay yool baar.

Inkastoo Madaxda Qaranka ay u muuqdaan kuwo aan Villa Somalia ka eryi karin Fahad Yaasiin, ayaa waxaa hadana la leeyahay in cidda keliya ay ka hor wareejin karto ay yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada ku caanka baxay inay mooshinada ka keenaan Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaruhuba, ayaa waxaa dow noqon laheyd in markani ay mooshin qaranka ku hor dhaafiyaan ninka Warbaahinta ka carara misena rikaateeyay hoggaankii dalka.

Isha: Dhacdo