Ciyaartooyiga Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Sitti oo Guulaystay Horyalkaa Koobkii DDSI.

 

Kooxda Kubada Cagta ee Gobolka Sitti ayaa sannadkan ku guulaystay Horyaalkii Koobkii xagaaga ee DDSI kaasi oo lagu Qabtay magaalada  madaxda is maamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga .

Xulka  gobolka Sitti ayaa sanada soo bandhigtay ciyaar wanaag iyo disibline aad u loola dhacay oo soo jiidatay dhamaanba dadkii fursada u helay in aay daawadaan qaybihii kala duwanaa ee ay 

Ciyaaraha ku soo jireen iyo kooxihii kala duwanaa ee ay la soo ciyaareen intaba , taasi oo kama danbayntiina u suura galisay kooxda in ay gacanta ku dhigaan koobkan .

Sidoo kalena dadwaynaha gobolka siti ayaa aad ugu hanbaylyeeyay kooxda guusha wayn ee ay gobolka u soo hooyeen . 

Qaar ka mid ah dhalinyarada Gobolka oo dareenkooda nooga waramay ayaa sheegay in tani ay tahay guul u soo hoyatay dhamaanba gobolka ayna aad ugu Faraxsanyihiin in ay noqdaan horyaalka sanadkan ee DDSI