SAWIRRO: Villa Somalia oo war kasoo saartay Booqashadii MD Farmaajo ee Masar & Kulankii uu la qaatay El Sisi.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaliya  Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa gaaray  magaaladda Qaahir ee xarunta  dalka Masar, waxaana garoonka diyaaraha  ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi Abdel Fattah El Sisi.

Madaxweyne Farmaajo oo caasumaad uu ka helay madaxweyne Sisi ayaa  soo dhawayn maqaamkeedu sareeyo oo loo sameeyay ka dib wuxuu kulan  kula yeeshay xarunta madaxtooyada,  madaxweynaha Masar, waxayna ka wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dowladood, gobolka iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan ee labadan wadan

” Somaliya iyo masar waxay lahaayeen xiriir taariikhi oo ku qotomo aragtida casriga ah ee wax-wadaqabsiga iyo barwaaqada” sidaas waxaa la yiri qoraal la soo dhigtay barta twitterka madaxtooyada villa Somalia.

View image on TwitterView image on TwitterView image on TwitterView image on Twitter

Booqashadan oo mid rasmi ah ayaa noqonaysaa  tii ugu horeysay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku tago dalka Masar tan iyo markii madaxweynaha jamhuuriyadda loo doortay 8 Fibraayo ee sanadkan.

Madaxweynaha ayaa wefdigiisa waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibadda iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan madaxtooyada qaranka, waxaana la filayaa in maalinta beri ah ay kullan la yeeshaan jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi Masar.