Xog-culus:Ujeedada safarka Wasiirkii Hore ee Khaarajiga Maamulka Somaliland ku joogo Muqdisho.

Ujeedada safarka Wasiirkii Hore ee Khaarajiga Somaliland ku joogo Muqdisho

Sida ilo wareedyo rasmiya oo u dhuun daloola Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaalia u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews waxaa maalmihii ina soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho,Qasriga Madaxtooyadana socodkiisu ku batay Wasiirkii Hore ee Wasaarada Arimaha Debeda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar (Bajaaj).

Ex-Wasiir Maxamed Bajaaj ayaa ah Xubin ka tirsan Gudida Fulinta & Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye balse ku maxaafsada Xilal kale oo uu ku afgobaadsado inuu u hayo Hayado Wada shaqeyn la leh Somalia oo keliya Ha yeeshee Safarkiisan ugu danbeeyay ee uu ku tegay Muqdisho ayaa ah mid Nuxurkiisu ku arooro olole uu muddaba ku taamaayey balse uu la dhuumalaysan jiray.

Bajaaj ayaa ayaa ilaha Warfidiyeenka Qarannews ka helay Warkan u xaqiijiyey inuu Xamar u yimi Damac & Olole Siyaasadeed ,ka dib markii uu tibaaxo ku helay in xilka laga qaadayo Wasiirka Arimaha Debeda Somalia Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ku fashilmay Shaqadaas,Mooshina ka yaallo Barlamaanka islamarkaana tahli kari waayey inuu iska dulqaado  ama furdaamiyo Mooshinka taas bedelkeeda tartan loogu jiro Xilkiisa qofkii bedeli lahaa.

Bajaaj ayaa qalqaale u galay qeybna ka noqday shaqsiyaadka quudaraynaya Booskaa ama xilkaa Wasiirka Khaarajiga oo la filaayo inuu banaan doono usbuucyo ka dib marka Yuusuf Garaad debeda loo tuuro.

Ku darsoo waxaa jira siyaasiyiin badan & Xildhibaano ku ololeynaya in xilkaas loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda Dhalasho ahaan Somaliland Taas oo hunguri gelisay Maxamed Cabdillaahi Cumar (Bajaajka) & Xubno kaleba.

Bajaajka ayaa isagu la gole tegay qadiyado & Mawduucyo Xasaasiya oo uu filaayo inay wax ka tari karaan in Xilkaas loo magacaabo,Wuxuuna Kulan uu la yeeshay Shalay Ra’iisal-wasaaraha Somalia ku dooday laba arimood oo u sahlaaya in loo qiimeeyo inuu yahay qofka ugu haboon maanta xilkaas ka soo dhalaali kara.

Ugu horeyn wuxuu ku dooday inuu ku dhashay Bay & Bakool,halkaasna ku barbaaray,Dhaqanada Siyaasadeed ee Koonfurta Somaliyana Ehel u yahay,lana jaanqaadi karo.Sidoo kale wuxuu ku dooday inuu dhalasho ahaan ka soo jeedo Somaliland,Degaanada Hargeysa & Gabileyna oo ah halka ama Bu’da siyaasada Somaliland Fadhidana ku leeyahay Magac iyo Martabad sare,waxna dhacsiin karo.

Geesta kalena wuxuu ku dooday inuu ahaa isagu shaqsigii ama Siyaasigii Bud-dhiga u ahaa ee bilaabay Wadahadalada Somalia & Somaliland,markii xilka laga qaadeyna hakad,Is-marin waa & is-faham la’aani Timi.Taas bedelkeedana yahay Siyaasiga Keliya ee dib u furi kara Wadahadalka,Somaliland-na ku qancin kar Federal Iyo Midow Midkii la doorbido.

Yeelkeede waxa la eegi doonaa dalabkiisa in la aqabalo iyo la diido labada.Xisbiga Kulmiye oo uu ka mid yahay Mus-danbeedkiisa & muuse biixi ayaan ilaa had aka hadlin qadiyadas,waxaana suurtogala ama u dhawdahay inay wax la ogyihiin.Amusnaantu waa jawaab dhan.