YAA KA DAMBEEYA XADHIGA SIYAASI MIIGANE OO 9 CISHO KU XIDHAN BURCO?

Maxamed Cilmi Miigane, waa muwaadin u dhashay Somaliland iyo dalka Djibouti, isagoo muddo sagaal maalmood ah ku xidhan Xarunta CID-da ee magaalada Burco.

Ma jiro wax war ah oo xadhiga siyaasigan ay ka soo saareen Booliska Togdheer Haseyeeshee ilo-wareedyo u dhuun-daloola xadhigiisa, ayaa Berberanews.com usheegay in uu amray xadhigiisa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

 

Warku wuxuu intaa ku daray in Saylici u aanaynayo Maxamed Cilmi Miigane inuu yahay maskaxdii ka dambaysay Qorshihii ay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Saylac ku doorteen Maayarka cusub ee muranku ka dhashay.

 

Ma jirto Maxkamad xalaalaysay xadhiga sagaalka maalmood uu ku xidhanyahay Maxamed Cilmi Miigane, Distoorka Somaliland-na kuma jirto in muwaadinka la haysan karo muddo ka badan 48 saacadood, iyadoo aanay jirin maxkamad xukuntay.

Maxamed Cilmi Miigane oo kasoo jeeda Deegaanka Saylac, waxaa uu muddo sannadku dhow ku sugnaa Somaliland, isagoo ka yimi dalka Djibouti oo uu rasmiyan u  deganyahay.

Ha loo sooceliyo Xoriyadda Miigane– Free Miigane