DAAWO: Wiil ka yimid dalka Mareykanka oo dariiqyada Hargeysa ku iibiya Shaaha.

Wiil heer jaamacadeed ka gaadhay waxbarashada isla markaana magaalada Minnesota ku haystay shaqo wanaagsan ayaa shaqo cajiib ah oo soo jiidatay indhaha shacabka ka bilaabay magaalada Hargeysa, isagoo wadooyinka ku wareejiya shaah.

Xuseen Ibrahim Gulled oo sheegay inuu kasoo shaqeeyay ka hor intik uusan ka soo tagin Minnesota shirkadda ceymiska ObamaCare ee Trump uu laalay, wuxuuna tilmaamay in uu shaqadaasi ka doorbiday inuu dalkiisa kusoo laabto oo uu 4 kun dollar uu ka heli lahaa dibada inay ugu wanaagsan tahay 5 boqol dollar oo uu ku helo Hargeysa.

Wiilkaan oo loogu yaqaan shirkaddiisa isaga ku kooban Shaaha Wareega ayaa magaalada socod ku mara, isagoona dhalinyarada aad usoo jiiday.

Wuxuu sheegay in dalka aysan ka jirin shaqo la’aan balse ay ka jirto wax hubin la’aan iyo in dhalinyarada qaarkood isku kalsooneyn, ayna doonayaan in shaqooyinka meel sare ka bilaabaan.