Boqolaal kun oo doolar oo lagala baxay Jigjiga oo la qabtay.

Waxa goor dhow lagu qabtay magaalada Bardooda ee u dhow xadka Gobalka Sitti iyo Oromia lacag ka badan $500,000 oo doolarka maraykanka ah.

lacagtan ayaa ku jirtay boorso uu watay nin lagu magacaabo Habane Carab Nuur oo ka mid ah gacan yarayaasha Cabdi Iley.

ciidamda booliska ee maamulka Oromiya ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan Habane Carab Nuur iyo lacag dhan 541,671 oo doolarka maraykanka ah.

 

Habane ayaa la sheegay in uu lacagta u waday magaalada Addsi Ababa oo ay bilahan ku sugnaayeen horjooagyaasha Maamulka Tigreega Ethiopia iyadoo la sheegay in lacagtan loo waday in lagu laaluusho qaar ka mid ah maamulka wayaanaha oo la sheegay in ay ku dhagan yihiin Cabdi Iley iyo kooxdiisa.

Hadaba waa kuma Habane Carab Nuur?

dib kala soco faahfaahinta Habane, meesha uu ka yimid, magaca uu lacagtan ku soo qaaday iyo waliba muqaalo.

Hoos ka daawo