Ra’iisal Wasaare Khayre oo ku dhagan Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Bayle.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Khamiistii si kulul u cannaantay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Bayle, ka dib eedeymo is biirsaday oo uu Wasiirku dhex fadhiistay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada gelinkii dambe ee shalay ku cannaantay Wasiirkiisa Maaliyadda, markii lagu eedeyay in uu ka gaabiyay bixinta mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha Dowladda iyo Xildhibaanada.

Arrinta kale ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ka cadhaysiisay, ayaa ahayd Wasiir Bayle oo aan 9-kii bishan Magaalada Addis Ababa kaga qaybgelin, shir ay ku lahaayen Wasiirada Maaliyadda ee Wadamada Urur Goboleedka Igad ku bahoobay.

Wasiirka, ayaa xilligaa shirka u diray wiil uu adeer u yahay, kana mid ah xoghayntiisa gaarka ahi. Ra’iisal Wasaaruhu waxaa uu Wasiirku ku eedeeyay xil gudasho la’aan, isagoona ku celceliyay su’aal ahayd, sababta uu shir heer Wasiiro ugu diray nin xoghayntiisa ka mid ah.

Khayre, ayaa Wasiirka u sheegay in looga baahnaa haddii uu isagu ka baaqday shirkaaasi, ahayd inuu u diro Kuxigeenkiisa amaba Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, balse aan marnaba looga fadhin inuu shirkaasi u diro mid ka mid xubnaha sida dhow ula shaqeeya.

Fadeexadda uu shalay wajahay Wasiirka, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli horaantii bishan ay soo baxeen warar sheegaya in Wasiirku uu Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ka eryay shaqaalihii Wasaaradda ka hawlgelayay, isla-markaana uu ku soo bedelay dhalinyaro ku heyb ah, oo sida la sheegay uu ka keenay Gobolka Awdal.

Qaar ka mid ah shaqaalihii laga eryay Wasaaradda Maaliyadda, ayaa sheegay in tallaabada shaqada looga eryay ay timid, xilli ay la soo wada shaqeeyen Wasiiradii Bayle ka horeeyay.

Shaqaalahan oo ashtako soo gaarsiiyay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa ashtakooda ku xusay inaanay jirin xafiis kale oo illaa iyo hadda loo bedelay, marka laga soo taggo in eryay goobtii ay ka hawlgelayeen.

                                                Warqaddii Bayle lagu soo casuumay