Daawo: Sawirradii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday Saldhiga Milateri ee Turkiga.

Diyaar garowgii ugu dambeeyay ayaa loogu jiraa furitaanka Saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho, iyadoo la dhameeyay dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa.

Saldhiga Milateri ayaa markii u horeysay lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la geeyay.

Dhismaha Xeradan Milateri ayaa ku taal dhanka xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 3KM.

Dhismaha ayaa ka kooban dhowr qeybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.

Waxaa kaloo ay leedahay goobo lagu ciyaaro kubadda cagta, meel orodka, halka lagu shiish barto iyo qeybo kale.

Saldhigga ayaa qorshihiisu yahay in lagu tababaro illaa 1,500 askari oo Soomaali ah, iyadoo ay tababari doonaan Saraakiil milateri oo ka socda Turkiga.

Bisha soo socota ee September ayaa qorshuhu yahay in la furo Saldhiga Milateri ee Turkiga, waxaana lagu wadaa inay furaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Turkiga.