Daawo: Xujeydii Ka Duushay Muqdisho Iyo Hargeysa Oo Rafaad Ku Haysto Madiina

Xujeydii Soomaaliyeed ee ka ambabaxay gudaha dalka Somalia ayaa dhibaato iyo rafaad soo jiray mudo sanado ah hadda uun la qeyliyay iyagoona fariin murugo leh kasoo diray magaalada barakeysan ee Madiina.

Muslimiintaan alle hortiisa taagan iyo magaaladii barakeysneyd ee Madiina ayaa waxaa haysta silic u sabab ah shirkadda bixisa adeega fiisaha iyo xajka ee Jubba Airways, kuwaasi oo ku cawday in aysan helin balan qaadkii iyo adeegii ay ugu baahnaayeen shirkaddii ka qaadatay lacagihii xajka iyo adeegyadii kale oo loo balan qaaday oo aysan helin.

Dadkaan Soomaaliyeed ee xujeyda ah oo isugu jira waayeel, dad jirin oo socon karin iyo dad kale oo awoodin socodka in aysan shirkaddii soo kaxeysay aysan ka helin adeegii loo balan qaaday, waxayna sheegeen in lagu balan baxay, maadaama qarash ka badan afar kun dollar laga qaatay, halka xujeyda qurbaha iyo shacabka Jabuuti ka yimid  lacag kun iyo lix boqol dollar ugu baxday soo xajintooda, wax rafaad ahna aysan arkin., adeegyadii loo baahnaana ay helayaan.

Dadkaan ayaa sheegay in aysan seexan karin guryaha loo kireeyay oo aad u kulul iyo masjidka barakeysan ee  oo aad ugu fog, una aadi karin inay kusoo cibaadeystaan.

Waxay xujeyda Soomaaliyeed ugu baaqeen shirkadda adeega iyo fiisaha xajka bixisa ee Jubba Airways inay dadka muslimtiinta ah u turaan maadaama cibaado soo aadeen iyo in alle ugu dhowaadaan lacagta afarta kun ah ee ay shirkadda Jubba Airways ka qaadatay, halka shacabka ka danbeeya ugu baaqeen in ay ka fiirsadaan shirkadda Jubba Airways oo ku balan baxday dadka xujeyda ah ee soo aaday guditzanka waajibaadka alle.

Sheikh Maxamed Heybe oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee xujeyda ka tagtay qurbaha gaar ahaan Birmingham dalka UK isla markaana hoggaaminayay xujeyda Soomaalida ayaa ugu baaqay shirkadda adeega xajka iyo fiisaha bixisa ee Jubba Airways in ay alle ka cabsi muujiyaan aakhirina xusuustaan, kuna gubanin falka ay sameynayaan, adduunyadana aysan ku cabeeboobin, ilaaheyna xaggiisa aysan ugu shaqeysan xaaraan.

Sheikh Maxamed ayaa ugu baaqay in haddii aysan u naxariisan karin xujeyda alle in ay faraha ka qaadaan oo dalkooda ha joogaan, isagoo intaa raaciyay in qofkii booqda goobaha ay degan yihiin xujeyda Soomaalida ee ka timaada gudaha dalka in laga naxaayo nolosha ay ku jiraan ee silica leh.

Maalimihii u danbeeyay ayaa soo baxayay cabasho iyo dhaliilo loo jeedinayay milkiilaha shirkadda Jubba Airways ahna Mudane ka tirsan Baarlamaanka Saciid Nuur Giriish oo baarlamaanka Somalia u galay inuu xasaanada uu leeyahay ku difaacdo hantidiisa iyo ganacsigiisa.

Dhanka kale, Xildhibaan Saciid Nuur Gariish ayaa ah ganacsade galgal badan oo wax walbo u sameeya in ganacsigiisa hormaro, wuxuuna dowladdii hore iyo kuwii Kmg ku bixin jiray dhaqaale si loo soo hadal qaadin arrintaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ku qabaan, wuxuuna mar walba hor istaagaa in shirkaddiisa ka dhinac shaqeyso shirkaddo kale.

Dowlada cusub ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasare Khayre oo mar walba ku dhawaaqa inay la dagaalamayaan musuqmaasuqa kala duwan ayaan la ogeyn waxa ka hor istaagsan la xisaabtan shirkaddaan sanad walba u taagan inay ka macaashto xujeyda soo gudaneysa waajibaadkii rabbi iyadoo la og yahay in xujeyda qaarkood ay ku baxaan si alle og yahay.

Xukuumadda Kheyre waxaa laga sugayaa in ay la xisaabtanto xadgudubyada shirkadda noocaani ah iyo kuwa la midka ah iyadoo u tureysa shacabka ay madasho.