Halkan Ka Akhriso Xogo Laga Helay Sababtii Uu Shalay Horjooge Cali Khaliif Galaydh Uga Baxay Kulankii Lagu Soo Bandhigayay 10-ka Qodob Ee Ay Ku Heshiiyeen Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo

 

Hogaamiyaha kooxda Khaatumo ee wada hadalka kula jiray Maamulka Somaliland Cali Khaliif Galaydh ayaa shalay cadho iyo orod kaga baxay kulan ay kooxdiisa iyo guddiga Somaliland u matalayay wada hadaladaasi ay ku lahaayeen huteel Safaari ee magaalada Hargeysa.
Kulankaasi oo uu markii hore fadhiyay Cali Khaliif Galaydh balse uu si kadis ah uga baxay markii uu kulankaasi furmayey,arrinkaasi oo ay si wayn u wada dareemeen dadkii kulankaasi ku sugna,balse uu markii danbe warbaahinta u fasiray masuulka tirsan guddiga kooxda Khaatumo.
hadaba ka hor intii an kulankii lagu shaacinayay qodobadii kasoo baxay wada hadalkii Hargeysa ugu dhamaaday Maamulka Somaliland iyo kooxda Khaatumo aanu furmin ayaa waxa kulanka si kadis ah usoo galay wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye”,waxaana markii uu sidaa usoo galay wasiir xaglo toosiye halkii kulanku ka socday ayaa waxa isna markiiba saro kacay oo xagga albaabka u jihaystay hogaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh,waxaana markii uu albaabka ka baxayay isku dayay inuu hor istaago oo uu soo lad qabeeyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka tirsan guddiga Maamulka Somaliland u qaabilsan wada hadalkaasi,balse horjooge Cali Khaliif Galaydh umuu joojin oo waxa uu si toos ah uga baxay albaabkii,isaga oo si toos ah u aaday halkii uu gaadhigiisu yaalay,waxaana si wayn indhaha ula raacay dadkii goobta ku sugnaa,iyada oo ay si gaar ah u taabatay bixitaanka Cali Khaliif Galaydh guddigii Somaliland u qaabilsanayd wada hadaladaasi,madaama oo uu kulankii ka baxay horjoogihii kooxda khaatumo.
inkaste dadkii goobta joogay ay bixitaanka horjooge Cali Khaliif Galaydh u nisbaynayaan inuu waji diidayo wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye oo soo galay kulanka,kuwaas oo labadooda sida la sheego aanu xidhiidh wanaagsani ka dhaxayn.
Mar ay warbaahintu wax ka waydiisay Kayse Cabdi Yuusuf oo kamid ah guddiga Kooxda Khaatumo u matalayay wada hadalada ayaa waxa uu difaacay bixitaanka Cali Khaliif,waxaana uu sheegay inuu yahay madaxwaynahoodii,sidaas oo ay tahayna uu la fadhiisan karo oo kaliya madaxwayne Siilaanyo,arrinkaasi oo loo arko qiiq isku qarin iyo inuu danbabaso sababta Cali Khaliif uga baxay kulanka inay tahay waji diidka Wasiir Xaglo-toosiye madaama oo uu kulamadii horeba goob joog ahaa isla markaana uu ka hadli jirey marka kulanku soo dhamaado qodobada ay ku heshiiyaan labada dhinac.
Horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa oo maalmihii u danbeeyey Hargeysa ku sugnaa ayaa laga yaaba in labada cisho ee soo socda ay ka baxaan Hargeysa una baxaan Buuhoodle.