Madaxdi Hargeysa oo Bisaarad iyo Mushaar la,aan dardeed wada Hor Tugan Xafiiska Wasiir zamzam

Wakhti xaaladd dhaqale oo gabaabsi ah laga soo sheegayo khasnadda dawlada,muddo xileedka xukuumadda madaxwayne Siilaanyona ay gabaabsi tahay ayaa waxa isa soo taraya busaaradda iyo dhaqaale la’aanta ay ka cawdaan xarumaha dawladu gaar ahaan hakinta kharashaadkii miisaaniyadda oo in muddo ahba taagan,wasaaradda Maaliyadduna ay la tacaasho oo kali ah mushaharaadka shaqaalaha kala duwan ee dawlada iyo ciidamada iyo shaqaalaha kale ee rayidka ah ayaa waxay taasi sababtay in koox wasiiro iyo agaasimayaal iskugu jiraa oo diirada ku hayay isla markaana baacsanayay wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ay isa soo tubeen afaafka hore ee dhismo cusub oo wasaaradaasi leedahay,kadib markiii ay halkaasi kaga dhuumatay wasiir Samsam,ilaaladeedana ku amartay inaanay cidnaba usoo dayn,waxaana kamaradaha warbaahintu ay qabateen iyaga oo afaafka hore ee xaruntaasi ay wasiiraddu ku jirtay ay isa soo tubeen wasiiro,agaasimayaal iyo masuuliyiin kale kuwaas oo midkaste doonayay inuu la kulmo wasiirka Maaliyadda.

Dad goob joog ahaa ayaa noo xaqiijiyay in masuuliyiintani mid kaste uu watay cabasho dhaqaale oo uu doonayay inuu mar uun la hortago wasiiradda,waxaana ku xanibmay afaafka hore ee xafiiska ay wasiiradu ku jirtay oo ciidamadii ilaalada u ahaa wasiir Samsam ay wasiiradan kale,agaasimayaashan iyo masuuliyiintan ku wargeliyeen inay shir ku jirto oo aanay cidnaba la kulmi karin wakhti xaadirkan.

Xafiiska ay wasiir Samsam ku jirtay ayaa ahaa dhismaha cusub ee wasaaradda Maaliyaddu ka dhisatay wajahaada dhismaha galbeed kaga soo jeeda wasaaradda Waxbarashada ,waxaana barxadaasi isku soo gaadhay oo iskugu yimi kamaradaha warbaahintuna ay qabteen masuuliyiin badan oo xukuumadda ka tirsan qaarkoodna ay xilal kasoo qabteen.

Dhinaca kale goob jooge goobta ku sugnaa oo ka gaabsaday in magaciisa aan shaacino ayaa noo xaqiijiyey in markii danbe mid kamid ah wasiirada xukuumadda madaxwayne Siilaanyo oo afaafka taagnaa uu si khasab ah ku galay isla markaana uu jiidhay ilaaladii wasiir Samsam ee taagnaa afaafka hore ee xafiiska wasiiraddu ku jirtay,waxaana wasiirkaasi uu ahaa wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye”,waxaana la sheegay inuu u galay wasiir Samsam,halka ay kuwii kalena sidii u taagnaayeen,halkiina ay goor dambe mid mid uga huleeleen iyaga oo cadhaysan.

Gaadhiga wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo taagnaa xafiiska cusub ee wasaaraddu ka dhisatay kasoo horjeedka wasaaradda Waxbarashada ayaa keenay in masuuliyiintani ay sheedda ka bidhaansadaan,taas oo sababtay in wakhti dheer oo saacado ah inay goobtaasi ka halacsadaan gaadhiga balse taasi ay keentay in markii wasiir Samsam Cabdi Aadan wasiirka Maaliyaddu ay soo bixi wayday ay masuuliyiintaasi cadho kaga dhaqaaqaan goobta.

Gabagabadiina arrinkan ayaa waxa uu ka danbeeyey kadib markii ay wasaaradda Maaliyaddu ay hakisay kharashaadkii ku kaabi jirtay wasaaradaha dalka,islamarkaana ay wasaaradaha qaarkood soo waajahdo dhaqaale yaraan.