warar goos-goos ah ayaa sheegayaa in   dad ka soo baxaayey salaada ciida  Al odxa ee  magaalada Diredhaba lagu laayey isla Magaaladaas  dhimashada ayaa  la sheeyey in ay tahay  inta hubo 1  qof iyo dhawac fara badan. sababta keentay in dadka la laayo ayaa  lagu macneeyay inay guryahooga ku haysteen alaab kontraband ah oo aan dalka laga ogolayn  waa sabab  riqiis ah waligeedba layaaqano. oo lagu dhibaateeyo shacabkan massaakiinta ah ee reer Sitti ee geeska walba laga soo ooday.

————————————————————————————————————————————–

 

Waxaa Sidoo kale la sheegaya in  lagu laayay dad shacabka ah  qabaleeya hoos yimaad  magaalada Muli ee degmada mayso. dadka shacabka ah Waxaa  soo weeraray rag maleeshiyo oroma ah oo loo tababaray in  Soomaalida  laga hor keeno.( waa oromiya special force) waxaa ila hada ay haystaan oo laga kari layahay maydad  dad shacabka ah ee ay xasuqen ay ula keceen ila dhinaca loo yaqaan buuralayda (buurmadaw)

dhacdaadan waa   tii labaad  todoobaadki horena waxay ciidanka orommiya special force xasuuqeen  dadka  ku nool qabalaha loo yaqaan Majo  oo hoos yimad isla magaalada Mayso meel aan sidda uga fogeyn  magaalada una jirta ila 6 kilo qiyas ahaan.

waa dhacdooyin joogta noqday oo ay ciidamada Liyu Pooliska kililka Oromadu kula kacaan dadka shacabka Soomaalida iyaado ay jiraan ciidamo uu dhigma oo ay Soomaalidu leeyihiin laakiin aan dadkooga ka difaaci karayn weerarda joogtada noqday ee dad soomaalida lagu barakicin maalmaha ciideed.