Nin Bartiisa Twitterka laga Xanibay ka dib marku Ku Qudha ka Jaray Kaniico Qaniintay.

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa Nin bar uu ku lahaa Twitterka laga xirdhay kadib markii uu dilay kaneeco qaniintay, waxaana ninkan Sawirka Kaneecada uu dilay soo dhigay bartiisa Twitterka.

Nin u dhashay dalka Japan ayaa laga xanibay ciwaankii uu ku lahaa barta Twitterka , waxaana ninkan sababta ciwaanka looga xidhay lagu sheegay in uu soo dhigay sawirka kaneeco qaniintay kadibna uu soo raaciyay qoraal uu ku sheegay in uu dilay.

Go’aanka shirkada Twitterka ku xanibtay ciwaanka @nemuismywife ayaa si weyn usoo jiitay Warbaahinta iyo baraha bulshada, waxaana ninka iska lahaa ciwaankan uu dhibaato kala kulmay qaniinyada Kaneeco xili uu nasiino ku jiray uuna daawanayay Telefishin.

Ninka iska lahaa ciwaanka @nemuismywife ayaa markii uu dilay kaneecada qaniintay soo dhigay Sawirka kaneecada uu dilay iyo qoraalkan'“Halkeed ula baxsanaysaa qaniiyadeyda aniga oo iska nasanaya oo TV-ga iska daawanaya ? dhimo! (xaqiiqadiina mar hore ayaad ba dhimatay).“

Shirkada Twitterka ayaa durba ninkan fariin ay ugu sheegeyso in ciwaankiisa la xanibay dibna uusan u isticmaali doonin usoo dirtay, waxaana isla markaasba laga xidhay hawadana laga saaray ciwaanka @nemuismywife.

Ninka ciwaanka laga xidhay ayaa durba soo sameestay ciwaan kale, waxa uuna si kulul u cambaareeyay Shirkada Twitterka ee ka xirdhay ciwaankii uu caanka ku ahaa kadib markii uu kaneeco qaniintay iska  dilay.

Fariintiisada cadhada wadata ee uu soo dhigay bartiisa Twitter ayaa waxa la sii baahiyay in ka badan 31,000 oo ciwaano ku leh barta Twitterka, waxaana ka heshay 27,000 oo ah dadka isticmaala barta Twitter.