WAREYSI: Cali Khaliif oo Fashiliyay Qorshaha DFS, ku biirista S/Land, P/Land & Arrinta Qalbi-dhagax.

Madaxweynaha Khaatumo State Cali Khaliif Galeyre  ayaa wareysi uu bixiyay uga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin heshiiska ay ugu  biirayaan Somaliland.

Waxaa uu sheegay in wadahadalka ay Somaliland ugu biirayaan ay meel wanaagsan marayaan, sidoo kalke, waxaa uu si dheer uga jawaabay eedaha ah inuu qayaamay qaranimadda Soomaaliya iyo beesha uu kasoo jeedo.

Cali Khaliif ayaa bixiyay xogo cajiib ah oo ku saabsan in Somaliland ay noqoneyso dal madax banaan, caqadabaha uga imaan kara Puntland iyo cida xaqa uleh iney maamusho deegaanadda Sool, Sanaag iyo Ceyn.

HOOS KA DAAWO WAREYSI XASAASI AH

Waxaa uu dhanka kale ka hadlay madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa oo uu ku sheegay kuwa aanan meel gaareyn sidoo kale waxaa uu tilmaamay inuu diiday dalabyo badan oo dowladda uga yimid.

Cali Khaliif ayaa sidoo kale, waxaa wax laga weydiiyay in Itoobiya loo gacan geliyay C/Kariim Qalbi-dhagax.