DHAGAYSO: VOA oo Warbixin Sir ah ka diyaarisay Dhiibidii Qalbi-Dagax & Heshiiskii IGAD.

Idaacada Voice Of America (VOA)  ayaa warbixin xasaasi ah ka diyaarisay qaabkii Itoobiya loogu gacan geliyay C/Kariim Muuse Qalbi-dhagax.

Warbixintan waxaa ku jira Heshiisyo ay kala saxiixdeen dalalka IGAD oo sheegaya in maxaabiista la isku wareejiyo, nooca maxaabiis ee la wareejin karo iyo sida ay Qalbi-dhagax arintaas usaameysay.

Prof Cabdi Ismacil Samatar ayaa isna fashiliyay in dowladu ay ku jirto xaalad aan daganeyn, taasna ay masuul ka tahay Itoobiya oo qasabtay, laakiin Xildhibaan Dahir Amin Jeesow ayaa taageeray in la wareejiiyo Qalbi-dhagax.

HOOS KA DHAGAYSO SIR LAYAABLEH

“ Ninkan Itoobiya ayuu danbi ka galay, waxaana qasab ah in iyaga lagu wareejiyo”ayuu yiri Xildhibaanka oo tusaale usoo qaatay in Kenya ay Soomaaliya kusoo wareejisay Xasan Xanafi  kadibna la toogtay.

Prof Cabdi Ismacil Samatar ayaa dhankiisa sheegay in fadeexadda ugu weyn ay tahay in Qalbi-dhagax uu ahaa sargaal sare oo katirsanaa militeriga Soomaaliya kana soo muuqday dagaalkii 77-dii Itoobiya lala galay.

Hadaba, miyay jirtaa qaab ay DFS ku bad-baadin kartay Qalbi-Dhagax- Hoos ka dhagayso Xog cajiib ah.