Is Qiimo Dilka Dawlada Jabuuti,Qaniinyadda Hargeysa, Qoomamaynta iyo Qiira Oyga Beel Weynta ciise(Qaybta 1)

 

Mar Hadda laga Joogo ku dhawaad 24 sanno ka hor oo ku beegnayd sannadkii 1993-kii ayaa waxay ahayd markii ugu horeeyay ee masuul u hadlay Maamulka Hargeysa kuna magacowna wariirka gaashaandhiga wuxuu dawladda jabuuti ku tilmmaamay SANDWISH yar oo ay Hargeysa ku qureecan karto hal maaliin oo qudha.
Dhawaaqa ka soo yeedhay Hargeysa dawldda iyo dadka reer jabuuti midkoodna qiimo ma siin waayo markay ay Hargeysa sidaa u hadlaysay waxay ahayd taarrikh iyo wakhti ay cid walba xasuusan karto xaaladay ku sugnayd Hargeysa sidaa daraadeed in ay jabuuti u jawaabto waxay ahayd ama loo arkaayey wax aan meesha looga bahnayn.
Laakiin muda yar ka dib Hargeysa waxay han jabaadi u badashay xaqiiqo jirtaa waxayna cadho iyo ciil gaamuuray oo ay dawlada jabuuti iyo wixii ku abtirsada u haysay kula dul dhacday dad ay marka isla hayd waad ku bahdili kartaa dawlda jabuuti kuwaas oo ah beel weynta ciise ee ku nool qaybaha galbeed ee maamulka Hargeysa weeraro joogta ah oo dhafoor taabad ahaa ayaa lala beegsaday shacabkii ciise sababta weerarka ciise loola beegsaday waxay ahayd in ay Hargeysa Qiimayso ficilka iyo talaabada jabuuti ku jawaabi karto si ay u badbaadiso dadkan ay wada dhasheen ee ciise.
Hasayeeshee talaabdi jabuuti kaga jawaabtay daan-daansigii Hargeysa waxay noqotay mid Hargeysa farxad iyo dhiiranaan ku beertay ka dib markay jabuuti soo daad gureysay beeshi ciise ee Awdal soona dejisay Xerooyinka Qaxootiga ee Cali-Cadde iyo Holl-Holl.
Beeshan Ciise ee ay maamulka Hargeysa cadaawada aan la garanayn waxaa sababay u hayso waa beeshi qudha ahayd ee markay Hargeysa Soomaali oo dhan ka noqotay Tuke cambaar leh Hiil iyo Hooba ugu Horey in ay degaanadooda(Jabuuti&Dire-dhaba)Siday doonaan ugu noolaadaan ee waliba kula midoobay dagaalkii ay la galeen dawladdi kacaanka ahayd Soomaalia oo naf iyo maalba kaga baxay beesha ciise.
La Socda Qaybta (2)