Is Qiimo Dilka Dawlada Jabuuti,Qaniinyadda Hargeysa,Qoomamaynta iyo Qiira Oyga Beel Weynta Ciise(Qaybti 2)

Talaabaadi labaad ee ay Hargeysa ku Talaabsatay waxay ahayd sannadkii-2005-ti Markii maamulka Hargeysa uu Daahir Rayaale Majaraha u hayay ee ay Hargeysa si fiican u hubsatay in ay dawlada jabuuti dan iyo muraad toona ka lahayn aayaha iyo mutaqbalka beesha ciise ee ku dhaqaan galbeedka maamulka Hargeysa maamusho ka dibna Hargeysa waxay qaban-qaabisay wax lagu sheegey doorashooyinka golaha baarlaamaanka arrinta jabuuti way soo fara galisay waxayna si hagardaamo ah ugula talisay xildhibaanadi beesha ciise oo tiradooda lagu sheegey ila 4 xildhibaan in ay qaadacaan ka qayb galka dooraashada wayna qaadaceen marka laga reebo xildhibaan Cali Aareeye oo ay Daahir Rayaale ilma abti yihiin Jabuutina laga jeclayn,xildhibaanadi ay jabuuti uu been guurtay waxay kaga tagtay goob cidla ah waxaana ka mid xidhibaan Cabdi casood oo maanta Hargeysa ku dhex ciishoon markay rag ay jabuuti soo naaxaysay Hargeysa ugu awood sheegteen Cabdi Casood oo mar hora loo magacaabay xilka wasiirka dib u dejinta xilkaas oo la filaayey in dib loogu soo cesho dadweynihii ciise ee laga baraciiýey degmooyinka Geerisa iyo Lughaya barnaamijka waxaa hal bacaad lagu lisay ka dhigey hal Booqasho oo uu Cabdi Casood ku booqday Jabuuti.
Hargeysa oo Daahir rayaale oo Paasprt Djiboutien ah lehi madaxweyne ka yahay ayaa markay ku guulaysatay in ay shacabkii ciise kuu qaaday dagaal sokeeye ee ay baraciyey ee ay xadka jabuuti la dhaafshay ee siyaasiintoodi loo diiday in ay ka qayb galaan loolaanka Doorashooyinka waxaa loo gudbay oo meel cidla ah laga helay degaanadii beesha ciise ee la odhan jirey Districk saylac ee guumeystihii Ingriiska laga Dhaxlay oo loo qaybsaday 3 qaybood oo kala ah;
1.Saylac( ku Hirdamayaan Hargeysa iyo Boorama)
2.Lughaya(Awdal Borama la Siiyey)
3.Goobaha Daldalan(Hargeysa Qaadatay)
Intaa waxaaso dhib iyo dhaxaal wareejin ah oo lagu hayo beesha ciise dawlada jabuuti waxay xidhiidh dhoow oo sokeeye iyo saaxibtinimo qota dheer ku salasayn la wadaagta shaqsiyaadka soo maleega ee soo aggaasima dhaxal wareejinta waxay ku taakulaysa dhaqaale,siyaasad,qibrad,waxay u fududaysa paasportka jabuuti si ay aduunka ugu kala gooshaan dhamaan madaxda Hargeysa waxay ku liibaaneen oo ay ku caana maaleen waraaqa jabuuti leedahay oo ay aduunka qoran yihiin Djiboutien marka laga reebo siyaasiin tira yar oo haysta waraaqo iyo dhalasho reer Galbeed.
Hargeysa intaa uun kuma joogsan ee waxay usoo taloowday muwaadiniin reer Jabuuti ah oo ganacsado ah oo uu ka mid ahaa Abdirahmaan Boore oo waaga door muhiim ah ka ciyaari jirey siyaasada iyo taageerada dawlada jabuuti saxiib iyo qaraabo dhowna la ahaa madaxweyne Geele Hargeysa waxay Abdirahman Boore iyadoo ku xumayn jabuuti u geysatay khasaare maaliyadeed oo lagu qiyaasay Maalaayiin Doollaar ka dib markii si ula kac ah magaalada Barbara loogu gubay Sigaar uu ina Boore lahaa taas oo dadka wax faaleeyi ku sheegeen in ay Maamulka Hargeysa muruqeega ku tusaysay in ay Jabuuti xita iska dhaaf Ciisa Hargeysa xukuntee ay kuwaa jabuuti ku nool waxba uga qaban karayn.
Abdirahaman Boore oo wareysi Qoraal ah siiyey warkeys lagu magacaabo Jamhuuriya wuxuu ku calaacay in u yahay asal ahaan reer Somaliland kana soo jeedo degmada Saylac wuxuuna ku uur qaboowsaday in khasaaraha soo gaadhay uu caymis ka bixin doono laakiin marna ma soo hadal qaadin in u yahay ganacsadee Muwaadin reer Jabuuti ah oo wadan iyo dawlad leh oo sharci caalami iyo xeelad kale mid uun xaqiisa ku soo ridan doono.
(la soco qaybta 3)