Is Qiimo Dilka dawladda Jabuuti,Qaniinyadda Hargeysa, Qoomamaynta iyo Qiira Oyga Beel weynta Ciise. (Qaybti 3)


Dheg iyo sumcad xumada is dajooga ah ee maamulka Hargeysa kula dhaqmo dawlada Jabuuti halka kuma eegaan ee wuxuu ahaa mid maalinba maalinta ka dambaysa uu muuqday mid xadhkaha goostay tuusale ahaan waxaan soo qaadaan karna doorasha ku sheegi golaha degaanka iyo wixii saylici ku falay codadkii beesha ciise sidaan soo sheegnay saylici wuxuu ku jid maraa waraaqo iyo dhalasho Djiboutien ah oo sifo sharci daro ah lagu siiyey hadana marna uma dhega nuugla danaha ay jabuuti ka leedahay beesha ciise ee siduu doono ayaa ka yeelaa.
Dad markii horaba degmooyinkoogi la kala qaybsaday waa shay caadi ah in ay codna yeelaan waayaan sidaa daraadeed codaadkii beesha ciise saylici iyo xisbiga kulmiye ayaa biyaha saylac ku qubay dharaar cad degmooyikii ciisana sida saylac iyo lughaya waxaa dhaamaan ka soo baxay xildhibaano beel hoosaadka Saylici ah.
Markay arintaasi dhacday beeshi ciise dibad joog iyo doc joogba waxay ku baraarugtay siday wax u dhaceen waxayna qaadeen olole isku xidhan mid saylac illa jabuuti mid djibuuti ila Diri-dhaba waxay dibada ka abaabuleen maamul goboleed Saylac Lughaya Stats of Soomaalia Hargeysa waxay abaabulka ku eegtay il calool xuma leh sababto ah waxay og tahay in haddi ciise soo abaabulo guluf colaadeed oo la mid ah kan Khaatumo stat iyo wax la mid ah in ay Hargeysa marna xamili karayn dagaal ciise soo qaado ka dibna waxaa soo martay meel iyo jid ay og tahay in ay xoodaamin karto
Hargeysa Waxay Jabuuti usoo dirtay tiro wasiro ah oo uu hoggaaminaayey wasiirkii ku magacawna arimaha gudaha oo magaciisa la odhan jiray Duur Caraale si gadoodka beesha ciise biyo qaboow loogu shubo waxay ka bilaabeen 7 xildhibaan oo la sheegey in ay ku soo baxeen doorasha ku sheega oo loogu hanjabay in ay si deg-deg ah saylac iyo Lughaya uga shaqa galaan haday diidaana in ay Somaliland Jabuuti iyo Ethiopia meelna ku noolaan karayn.
Iyaado taas badalkeega beesha ciise oo jabuuti gar wadeen ka tahay loogu balaan qaaday in la siin doono jagooyin fara badan sidda Wasiiro,Aggasimayaal,Saraakiil,shaqaale sare oo tiradooda lagu sheegey ila 100 jago 5 sanno ka dib balaanti ay Hargeysa Jabuuti u qaaday ila maanta lama hayo cid soo hadal qaadana ma jirto arrimaha nuucaas iyo qaar kalo badan oo soo sheegi doono oo jabuuti lagaga baxay Jabuutina war uma hayso in ceeb iyo qiima jab siyaasadeed ku tahay.
Dhacdooyinka Hargeysa soo maleegto ee dawlada jabuuti sumcad xumada ku ah waxaa ka mid dhacdaadi Abdirahman Boore iyo Silaanyo ku dhex martay magaalada Dubay ee dalka immaraadka,sidda aan wada ognahay madaxweybe Geele iyo ganacsada Boore waxay ahaayeen laba nin oo meela badan ka soo wada qadhaabtay oo saaxiibo ah laakiin maanta ku kala tagay,saaxiibtinimadiina waxay isku badashay colaad aan waxba la iskula hadhin oo meel aad uu xun gaadhay waxayna isla tageen maxkamada caalami ah waxaa ku baxay dhaqaala ay ummadda jabuuti ka gaajoon maxkamada oo marar badan soo noqnoqday waxay guushu ku raacday Abdirahman Boore khasaare aan la saadaalin karayna waxay soo gaadhay madaxweyne Geele iyo dhaqaalaha wayda ah ee jabuuti.
Hargeysa iyadoo og heerka ay gaadhay colaada iyo cadaawada Geele iyo Boore waxay si badheedh ah kulamo aan qarsoodi ahayn ula yeelatay Abdirahman Boore mar ay saxafadu wax ka waydiisay Muusa Bixii la kulanka ina Boore wuxuu si cad oo aan waabasho lahayn u qirtay in ay Boore iyo wafdiga Somaliland ku kulmeen dubay kana wada hadleen arimo khuseeya dekada barbara ee dubai laga kireyn, Dubai oo ah dalkii dhisey dekada Jabuuti laakiin laga eryey khilaaf siyaasad dardeed hadana la wada ogyahay in ay ku hawlan tahay sidday Jabuuti iyo dekadeedaba jilbaha dhulka ugu dhiffan lahayd iyaado soo degtay halka jabuuti ugu dhoow oo ah dekada barbara.Maamulka Hargeysa waxaa jira rag iyo beelo mucaarad ku ah oo ka soo horjeeda waxaa ay ugu jeedhaan gooni isu taag raga iyo beelaha ka horjeeda waxaa ka mid Cali Khaliif iyo Suldaan Wabar jabuuti si cad iyo qarsoodi midna ulama kulmin raga hargeysa lidiga ku ah.
(La soco qaybta 4) oo xiisa gaar iyo fadexaad cajiib ah xambaarsan