Warar Goos-Goos ah

Warar Goos-Goos ah oo naga soo gaadhi Galbeedka gobolka Sitti waxay soo sheegayaan in labadi maalmood ee la soo dhaafay ay dagaalo kulul ka socdeen tuulooyin fara badan oo ka tirsan degmada meyso.
Dagaaladan waxaa soo qaaday jabhado hubaysan oo Oroma ah iska hor imaadkan soo ku noq-noqday degmada Meyso waa dagaalo siyaasadeed oo dawlada Ethiopia ay rabto in ay iskaaga hor keento dadka Soomaalida iyo Oromadda.
Dagaalka ugu culus wuxuu maalinti iyo daraad ka dhacay magaalada Meyso dhexdeeda wuxuuna u dhexeeyey qommiydda Oromada iyo Soomaalida.
Goobjoogyaal ku sugan magaalada meyso waxay war baahinta XeerNews24 u sheegeen in khasaaraha soo gaadhay Soomaalida lagu sheegey dhowr qof oo dhaawac fudud ah halka geesta Oromadana aan la ogeyn khasaaraha soo gaadhay inta u yahay.
Magaaladi lagu dagaalamay ee meyso waxaa gacanta si buuxda ugu hayaa Soomaalida oromada oo ah kooxda laga nasan waayey ee weerar u jooga ah waxaa magaalada looga saaray dhinica buuralayda ee xigta kililka Oromia.
Ciidamadda Dawlada Feederaalka Ethiopia oo magaalada gees kaga sugan waxay noqdeen daawadayaal maxaa yeelay oromada ayaa loo caalwaayey
Wixii warar cusub nagu soo kordha kala soco XeerNews24