Soomaaliya oo Kasoo Muuqatay Shir Caalami Ah oo Ka Socda Shiinaha & Xog La Helay.

Soomaaliya oo dib ukabasho sameeneysay Sanadihii lasoo dhafay ayaa waxay hadda Caalamka ku tartamayaan sidii Maal gashi ugu dhex sameysan lahaayeen Dalka Soomaaliya.

Xubno ka socda Dawlada Soomaaliya ayaa hadda kusugan Waddanka Shiinaha oo ay uga qeyb galayaan Waddankaasi Shir Dalal Badan kusugan yihiin.

 

Shirkaasi ayaa looga arinsanayaa sidii Africa iyo Xidhiidhka ay la leeyihiin Shiinaha loo kordhin lahaa waxaana soo agaasimtay Shirkaasi Wasaarada Ganacsiga iyo Xidhiidhka Waddanka Shiinaha.

Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cadaala oo Soomaaliya u matalay Shirka Shiinaha ka socda waxa uu sheegay in ilaa 10 Dal Afrikaan ah oo Soomaaliya ku jirto  ay kusugan yihiin Waddankaasi,ayna Shiinuhu ballan qaadeen in Mashaariic ka fulineyso Dalalka shirka jooga.