Sawiro: Qarax weyn oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

 wararka hadda igana soo gaadhayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu qarax weyn ka dhacay kaasoo laga maqlay inta badan Magaalada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in baabuur qarax lagu soo xidhay lagu qarxiyey meel ku dhow Hotel Wehliye, inkastoo aan weli si rasmi ah loo hubin in lala beegsaday Hotelka iyo haddii kale, sidoo kalana waxaa jiro warar sheegayo in qaraxaas lala eegtay Maqaayad halkaas ku taal.

Qaraxaan ayaa wuxuu dhibaato badan gaadhsiiyey Maqaayad halkaas ku taalo oo lagu magacaabo Xadar Mood, waxaana lasoo sheegayaa inuu halkaas ka dhacday dhimasho iyo dhaawac badan.

Sida dab goob joogayaal ah noo xaqiijiyeen qarxaan ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac badan, waxayna Baabuurta gargarka bilaabeen inay soo daad gureeyaan dhawacyada.

Qaraxaan ayaa ahaa mid xoog badan waxaana loo adeegsaday baabuur, welina kalama caddo haddii uu naftii hore waday iyo haddii uu ahaa mid lasoo dhigay halka uu qaraxa ka dhacay.

Hotel Wehliye ayaa wuxuu ku yaalaa inta u dhaxeyso isgoysyada dabka iyo Sayidka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah