Dawlada Turkiga Oo Ruushka ka Soo Iibsanaysa Gantaallaha Difaaca.

Gantaalaha Lidka diyaaradaha ee S-400 loo yaqaan ayaa lagu rakibay saldhigga ciidammada cirka ee Ruushka ee Hmeimim airbase oo Suuriya ku yaalla

Dawladda Turkiga ayaa la sixiixday heshiis muran dhaliyay oo ay Ruushka kaga soo iibsanayso Gantaalaha lidka diyaaradaha ee S-400, si ay ugu xoojiso ciidammadeeda cirka.

 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu bixiyay carbuunta (hordhac)heshiiskan oo lagu qiyaasay 2.5 bilyan oo doolar.

 

Turkiga ayaa leh ciidammada labaad ee ugu badan ee Gaashaanbuurta Nato, dalalka xulafada ku jirana waxaa lagu booriyay in ay iibsadaan hub kuwaas u dhigma.

 

Turkiga ayaa calaaqaad dhaw la yeeshay Ruushka wixii ka dambeeyay markii uu xumaaday calaaqaadkii ay la lahaayeen Maraykanka.

 

Turkiga ayaa ka soo horjeeda taageerada Maraykanka ee jabhadda YPG ee Kurdiyiinta Suuriya.

 

Ruushka ayaa sheegay in hannaanka S-400 uu gaadhi karo 400 km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed waana gantaale ay reer galbeedku u arkaan halis iyo Turkiga oo yeelan doona awood ka madaxbanaan mid ay la wadaagan gaashaanbuurta Nato oo Turgiga kula dhaqantay laba wajilayn.