Is Qiimo Dilka dawlada Jabuuti,Qaniinyadda Hargeysa,Qoomamaynta iyo Qiira Oyga Beel weynta ciise.

(Qaybtaan Afraad uguna dambaysa waxay ku furfuran Farxaddii qarniga ee Beesha ciise iyo fadeexadi huurtay ee Jabuuti Raacday)
Waxay ahayd sannadkii 2010-kii koowdi Bishi Mars goobto waa magaalada taarrikhda faca weyn leh ee Saylac waa xili Roobaad gugu curtay oo xareedo gees walba qulquli in munaasibadan iyo wakhti roobad la isku soo beego amuuraha eebe weyn ka sokoow waxaa soo sar gooyey ku xeel dheerayaal xeerka beesha ciise oo dhaqan iyo hidde facweyn u leh saadaalinta xili roobaadka.
Xaflada magaalada Saylac ka socotay oo ahayd munaasibadi qarniga ee beel weynta ciise oo ahayd munaasibad ay beeshu u haraaday wax ka badan 16 sanno iyo dheeraad, ma jirin oo mana soo marin kuba dar calaan saarkii iyo curashada dawladnimada jabuuti maalin ay beesha ciise uga farxad badnayn oo koowdi bishii Mars 2010.kii oo la barbad dhigi karo.
Saylac waxay Marti galisay oo ay xarun uu noqotay munaasibad tii ugu farxad badnayd inta la xasuustu soo yaalka raad taarrikheed magaalada Munaasibadu waa caleema saarki,bokhridi ugaas Mustaphe Mohamed Ibrahim Ugaas Wacays,ugaas Rooble,waa xaflad ay beeshu waligeed maqal iyo sheega mooye ay il iyo dhaayo u arag waxay Saylac hoy u noqotay wufuud iyo marti sharaf ka socday dawlada jabuuti,dawlada Ethiopia,iyo madaxda ugu saraysa ee maamulka Hargeysa, iyo dhamaan qof kaste oo iman karay xafladaan qarniga.
Soo odoroska,abaabulka,hindisa,maal galinta iyo dhamaan wixii xaflada ku taxaqluqay qabashadeeda waxaa min A ilaa Z abaan duule ka ahaa dawlada Djibouti oo wakhti dheer oo lagu sheegey 10 bilood ku bixisay maal iyo muruq masgax ,sidoo kale habsami u socodka, isku dabaridka hawsha,iyo Protokoolku waxay ahayd barnaamij ay jabuuti si dadban iyo si toos ahba usoo aggaasimtay.
Waxaa la bilaabay ama la guda galay barnaamijki caleema saarka ugaas beesha ciise, ma cadda in ay ahayd arrin ugu tala gal ah ama Protokool xuma keentay ee markay duqaydi Gandaha beesah ciise hadalka Qaadeen waxay ku bilaabeen hadalkooga;anagoo joognaa Magaalada Saylac ee Soomaaliya!! Hadalka markii la maqlay waxaa soo booday wasiirkii Tacliinta ee jabuuti Mr Ibrahim Cabsiiye(Xaamuud) oo duqaydi uu sheegey in ay magaca Soomaalia Somaliland ku badalaan duqaydina way ku gacan saydheen codsiga wasiirka ka dibna waxaa dhacay buuq iyo sawaxaan dhex maray wasiirkii jabuuti iyo gandaha beesha ciise.
Intaas markay dhacday waxaa goobta ka dareeray oo cadhooday qayb ka mid ahayd wafdigi Hargeysa gaar ahaan beesha Issaq buuqi iyo qayladii ayaa sii xoogaysatay waxaa goobta soo galay askarti ammanka sugaysay ee maamulka Hargeysa waxayna isticmaaleen rasaas ay cirka u rideen iyo hadalo cay iyo aflagaado u badnaa oo beesha ciise lagu duraayey.
Goobta ay arintaasi nuucaasi ahi ka dhici waxaa ku sugaan dhamaan dawlada jabuuti siday u dhan tahay oo uu ugu sareeyo raysal wasaare Mohamed Dileyte iyo generaal Zakariye sheekh Ibrahim waxaa qudhe ee ka maqnaa xaflda wuxuu ahaa madaxweyne Geele.
Dhacdadan iyo mid ka foolxun oo caleema saarka ugaas lagu carqalaadayn in ay dhacdo si looga hor tago Jabuuti waxay xooga saartay in ay keento ciidamo dhar cad ah oo sir doonka jabuuti ka tirsan oo goobta ku sugnaa laakiin way ku fashilmeen.
Si fashilka iyo fadeexada raacday loo qarsho Jabuuti waxay si deg deg ah oo cadho ka muuqato saylac ugu dirtay Diyaarad Helikopter ah oo isla markiiba ugaas Mustafe ula duushay magaalada Jabuuti,xafladi iyo damaashaddi beel weynta ciie ee loogu tala galay in ay saylac ka socoto 7 maalmood waxaa lagu soo koobay wax ka yar sacaado farxaddi beeshana waxaa soo gaadhay dhaawac.
Hargeysa way ogaatay cadha jabuuti iyo wixii saylac ka dhacay in u ahaa fashil iyo waji gabax ay jabuuti la hoyatay ka dibna waxay si xirfadaysan ugu soo dirtay wafdi ka koobna dhamaan abwaano suldaano ganacsato iyo haldoor wixii ay hargeysa lahayd in mar kale xoodaan iyo sasabo ula yimaadaan siyaasiyiinta beesha ciise ee wajibax ku dhacay waxay hadyad usoo qaadeen sida la sheegey baabuur iyo lacago fara badan.
Dhamaan.

Hoos ka akhrista qormo tilmaami casuumad sasabo ahayd.

 

Casuumad qado-sharafeed ah oo Beesha ISAAQ u sameysay Ugaaska Beesha Ciise iyo khudbadihii laga jeediyey madasha

 

 

Djibouti (TNN)-Casuumad qado-sharafeeda ayaa Beesha ISAAQ u sameeyeen Ugaaska 19a ad ee Be elaha Ciisu hu dhawaan caleemo saareen Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays, kadib markii uu geeriyooday Alle ha naxariistee Ugaas Xasan oo xilkaasi hayey.

 

Munaasibadan qadada ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ahayd mid dh aqan o o aan hore loo arag oo lagu weynaynayo, laguna sharfayo Ugaaska da’ada yar ayaa lagu qabtay aq alka Ummada dalka Ja buuti, waxaana ka soo qayb-galay Ra’iisal wasaaraha dawlada Djibouti Md. Dilaita Mohamed Dilaita, Wasiirka warfaafinta Hidaha iyo dhaqanka, isla markaana ah Afhayeenka Xukuummada Cali Cabdi Faarax, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd, Wasiirka Dalxiiska Dawlada Ethiopia Maxamuud Dirir, iyo W efti ka socday Dawlada Somaliland ah oo ka kooban Salaadiin iyo Abwaano uu hogaaminayo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame [Hadaawi], Xasan Xaaji Cabdilaahi [Xasan Ganay], Ma xamed Xaashi Dhamac [Gaariye], Abw aan Axmed Salee baan Bide, Maxamed Aadan Dacar, iyo dhamaan Salaadiinta Beelaha isaaqu jilibyadoodu leeyi hiin, Ganacsato, aqoonyahan, iyo Marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa xafladaa ka hadlay Xuseen Axmed oo ku hadlayay afka Golaha Guurtida Dji bouti ee Beelaha Isaaq ayaa waxa uu u mahadnaqay

dhamaan qaybihii kala duwanaa ee bulshadii ka soo qayb-gashay casuumada, waxaanu yidhi „Waxa an leeyahay ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim noqo kii dalkiisa iyo dadkiisa anfaca,in kasta oo uu ug aasku yaryahay hadana waxa uu sitaa waxaa ay sadexda dawladood(Soma liland ,Djibouti iyo Etho pia ) isugu yimaadeen , waa nin la sahamiyay oo la helay in uu sadex da beeloodba halka uu ka gaad ho uu wax ka tari karo ,oo uu tamar iyo taloba ku kordhin ka ro ,Ilaahay ugaaska ha ka yeelo kii la m ahadiyay , ee umada deeqa“

 

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali oo ka hadlayey Afka Beelaha Isaaq ayaa waxa uu u mahad-naqay d hamaan masuuliyiintii ka soo qeybgalay qado-sharafeedka, waxaanu tilmaamay ina y Casuumadan a y u sameeyeen beesha Isaaqu ay ugu talo-galeen Ugaaska beelaha Ciisaha Ugaas Mustafe Maxam ed Ibraahim oo aanu Sharaf iyo Karaamo uga dhigaynaa, ayuu yidhi.

 

Waxa uu Suldaanku si qoto dheer uga waramay abaalkii ay Beesha Ciisu u gashay wakhtigii dagaal ka, oo aanay iloobi Karin

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ( Gaariye) oo ku hadlayay afka abwaanada kale ee weheli yey ay aa waxa uu yidhi „Waxa ila socda aniga afar abwaan oo kale ,waxaanuna abwaano u nahay dadka afka soomaaliga ku hadla oo dhan ,ma nihin abwaano magic beeleed ku hadla w aanad na taqaaana an waxaan leeyahay ugaaska aniga oo ku hadlaya afka abwaanada afka soomaaliga ku hadla dadka aannu abwaanada u nahay waxa ka mid ah beesha aad ugaaska u tahay , adiga markaan kuu eego ugaaskii kaa horeeyay ugaas Xasan Alle Ha u naxariistee wakhtigii uu ku soo beegmay iyo wakhtiga aad ku soo beegantay waa laba wakhti oo kala du wan ,oo wakhti dheer baa u dhexeeyay ,sadexda meelood ee ay beeshaadu degto,maalintii ugaas xasan la boqrayay sadexda meeloodba [Somalila nd, Jabuuti iyo Ethiopia] sadexdaba waxa haystay Isticmaar, waxa adiga lagu boqray sadexdii mee lood ee ay beeshaadu degen ayd oo sadexdiiba calamo leeyihiin waa guul Illaahay kugu simay ,inaad ugu mahadnaqdaa ay tahay“.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Gaariye „Sadexda meelood ee calanka leh ayay dadka aad ugaaska u tahay ku noolyihiin,sadexda meeloodba waa lala degaa xilka ku saara nina sadexda meeloodba ee ay kala degaan ayay mid walba waayo gaara ku qabaan, oo me el walba dad kale aya a la dega ,isku xidhkooda ayaa lagaa rabaa ,waxaad ku soo bee gant ay sanad colaadeed oo Geeska Africa oo dhami gubanayo, waxa gubanaysa oo sii gubana ysa qoomiyada ay beeshaadu ka tirsan tahay oo Soomaali ah,kuwaas ayaad la dhalatay ,ku waas ayaad wax ku tahay ,kuwaas ayaad isku dhaqan tihiin , marka dhaqan ahaan laga hadl ayo xanuunka hayaa wuu ku hayaa, waxaan kuu arka ynaa xoog ku soo biiray Dabka ka shid an Mandaqada bakhtiintiisa, Illaahayna sidaa ha ku garansiiy o“ayuu yidhi Abwaan Gaariye

 

„Dadka dhaqanka ayaa dawladnimada door ku leh anaguna kuwaas ayaanu ka tirsanahay a diguna kuwaas ayaad ka tirsan tahay ,mujtamaca saamayn kara dawladaha ay ku kala hoos nool-yihiin ,da wladaha lagu kala hoos noolyahay siyaasado ayay isku khilaafi karaan ,duruu fo ayaa iman kara ,ku wa isku kawkamaya xabagta isku haynaysa waxa ka mid ah Raga aad hormoodka u tahay ,madaxw aynayaashu way guuraan ,siyaasaduhu way tagaan laakiin de egaanku ma guuro, dadka wada dhas hay na ma kala tagaan ,waxa laydhaahdaa saaxiibka waad dooraan kartaa ,laakiin walaalka ma xul an kartid waayo Ilaahay ayaa ku baday.anaga nama xulan kartid ee waxaanu nahay dad kula dhas hay“ayuu yidhi Abwaanku

Mar uu Abwaanku la hadlayey Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim waxa uu yidhi „Waxaad ku khasb an tahay inaad dhabarka nagu sidid, annaguna annu kugu sidno, guurimaysaan anagu na guuri mayn o mar hadii Illaahay iskeen baday dantu waxay ku jirtaa inaynu fahano sida aynu u wada noolaana yno“

 

Abwaanku waxa si mug leh ula hadlay labadii beelood ee Is-casuumadeeyey, waxaanu yidhi „Beelah eenan wada hadlaya ( Ciise iyo Isaaq) ha isku qaadanina wax gooniya ,deegaan ay aynu ku dhex jirn aa Siyaasad caalami ah ayaa ina samaynaysa, geeska afrika oo dhan ayay dhibaato ka taagan tah ay hawlaha ina saarani hawlo yar maaha Ilaahay haynaga dhigo ku wii uu bogooda burcad isu mari yo“

 

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Dalxiiska dawlada Federaalka Ethiopia Maxamuud Dirir, S uldaan Axmed Daahir iyo Xaaji Rooble Wacays oo ku hadlay Afka Beelaha Ciise, waxa anay dhamaan masuuliyiintani iska dababa marmareen qaabkii qiimaha sare lahayd ee ay X aflada Casuumad Shara feedku u dhacday, iyo sida ay Beelaha Isaaqu Ugaaska Ciisaha u sha rfeen ee ay u karameeyeen, waxaanay Madashaasi Beelaha Isaaqu ku gudoonsiiyeen Ugaas ka Beesha Ciise Mustafe Maxamed Ibraahim Hadyad Qaali ahayd oo ay ugu talo-galeen.

 

Salaadiinta Beesha isaaq ee ayaa xafladii casuumada ahayd kaga codsaday ugaaska Ciisaha Musta fe Maxamed Ibraahim inuu socdaal ku yimaado Caasimada Somaliland ee Hargeysa.