Xildhibaan Ducaale Coofle oo xalay Dhaawac culus soo Gaadhay.

Xildhibaan ka tirsan golaha baarlaamaanta dalka Jabuuti garabka mucaaradka ah ee xisbiga MRD ayaa la sheegaya in dhaawac culus soo gaadhay ka dib markay ciidamada gendamarie-ga loo yaqaan ay soo weerareen goob ay xus ku lahaayeen xisbiga MRD iyo Taageeyaashiisa.

Xuskan oo ahaa sannad-guuradi 25 aad ee ka soo wareegtay aasa-aaskii xisbiga ayaa lagu qabtay xaafadda loo yaqaan Cite Maka Al Mukarama ee magaalada Jabuuti halka oo xisbigu ku leeyahay xarun dhexe.

Maaha markii koobaad ee dawlada jabuuti ay ficil nuucan oo kale ah kula dhaqanto xildhibaano qaran oo ka tiran golaha sharci dajinta ee dalka arrinta oo sumacadda jabuuti wax wayn u dhimi doonta.

Xildhibaan Ducaale Coofle Cigge waa siyaasi da,yar oo dhuunta uu galay dawlada jabuuti dadka reer jabuutina uga barteen hadalo cad-cad oo uu runta ka waaban oo uu ku dhaliilo siyaasada madaxweyn Geele.