Maamulkii Ina Iley ee Soomaalida Itoobiya oo shaacisay in Boqolaal Soomaali ah lagu Xasuuqay Itoobiya.

Maamulkii ina Cabdi Iley ee Soomaalida Itoobiya ayaa shaacisay in la xasuuqay boqolaal Soomaali ah oo ay xasuuqeen Orromada la jaarka ah.

Wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada ahna la taliyaha arrimaha saxaafada ee madaxweynaha Maxamed Bille (Miig) oo u hadlay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo aad u badan lagu laayay deegaanada xuduudaha ee ay wadaagaan maamulada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, wuxuuna falkaas ku eedeeyey ciidamada maamulka Oromiya.

“Dhimasho aad u farobadan ayaa jirta, boqolaal ayay gaadhayaan dadka dhintay, hanti badana waa ay ku burburtay, maadaamaa waxa shaqadan fulinaya uu ciidan yahay, dad badan ayaa ku naf waayay” ayuu yidhi wasiir Maxamed Bille.

Mar uu ka hadlay cidda dilka gaysatay ayuu sheegay “Waxaa markasta weerarada soo qaadaya waa ciidamada booliiska Oromiya, meelaha aan xuduudaha ka leenahay shacabka degan ayay kusoo qaadaan, iyada oo dadka shacabka ee Soomaalida ah ee halkaas degen ay yihiin dad nabadgelyada jecel, waxayna soo weeraraan iyaga oo qaabaysan oo nidaam dowlad ku socda, dad badan ayaana ku naf waayay, dad kalana waa la barokiciyay”.

Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay dad Soomaali ah oo aanan tiradooda la xaqiijin lagu laayay deegaanka Hawaday ee qaadka laga beero ee u dhow magaalada Harar.

Dilkaas oo lagu eedeeyay in ay gaysteen dad Oromo ah ayaa wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya waxa ay sheegayaan in xiisadaha ay sii faafayaan.

Dadkii Harar lagu laayay ayaa lagu aasayaa magaalada JigJiga sida ay noo xaqiijiyeen illo madax banaan, iyada oo sidoo kale dadka Oromada ah ayaa laga daadgureeyay deegaanka Soomaalida Itoobiya baqdin laga qabo in waxyeelo kasoo gaarto shacab cadhaysan, sida uu noo xaqiijiyay wasiirka.

Xiisadan ayaa sidoo kale saamaysay dhaqdhaqaaqa ganacsiga, gaar ahaan qaadka, waxaana gabi ahaanba joogsaday qaadkii tagi jiray deegaanada Somaliland ee ka iman jiray beeraha qaadka ee deegaanka Hawaday oo ah halka uu dilka ka dhacay.

Ma jiraan illo madax banaan oo noo xaqiijin kara tirada Soomaalida la dilay iyo sababta dilka keentay, hase yeeshee Itoobiya waxaa ka jira kacdoon ay samaynayaan qoowmiyadda Oromada iyo Qowmiyado kale, halka Soomaalida aysan qayb ka ahayn kacdoonkaas dowladda looga soo horjeedo.

warar kale ayaa sheegayaa in jidkii isku xidhi magaalooyinka Jigjiga iyo Abdis ababa ay xidheen dad oroma ah oo gadoodsan isku socodkii magaalooyinkana waxaa loo leexshay jid cusub oo dhex mara gobolka Sitti gaar ahaan degmada dambal siina mari doona magaalada Dire-dhaba.