Maxay ka wada hadleen Wasiir Yuusuf Garaad iyo Danjiraha Imaaraadka Carabta?

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Yusuf Garaad Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, waxay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta ay dowladda Imaaraadka carabta kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xidhiidhka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi midho-dhala.

Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaadheen oo ka shaqeynaya dano wadaaga.

Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa kulan gaar ah oo xoojinayay kulanka hore ee Wasiir Garaad, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Al Hammadi, waxa ayna kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaallaha ee ladaba dal iyo degmada.

Kulanka oo ku idlaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Carabta Mr. Mustafa Adam Dagaal iyo kaaliyaha gaarka ah ee xafiiska Wasiirka.