Aas Qaran Oo Maanta Magaalada Jigjiga Loogu Sameeyey Dadkii Soomalida Ahaa Ee oromadu Xasuuqday.

Allah ha u Naxariistee waxaa Maanta oo jimce Ah Aas Qaran loogu sameeyey Magaalada Jig-jiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Ehiopia Dadkii Soomaalida ahaa ee ay Qoomiyada Oromadu laba Maalmood ka hor ku Xasuuqeen Deegaanka Haawaday  ee Kilillka Oromada ee Dalka Itoobiya.
Waxaana dadkan maanta aaska Qaran loo sameeyey ay tiradoodu lagu sheegey 28 qof sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Aas kan Qaran ayaa waxaa ka soo qaybgaley Masuuliyiinta Ugu Sareysa Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley)iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan.
Dadkan tiradoodu dhan tahay 28 qof ee maanta aaska qaran loo sameeyey ayaa ahaa dadkii Somalida ahaa ee laba cisho ka hor ay qoomiyadda Oromadu ku laysay deegaanka Haawaday ee dalka Itoobiya,waxaana ay dadkani ahaayeen ganacsato ka ganacsata Qaadka,waxaanay badidoodu kasoo jeedeen deganka maamulka Somaliland.
1-50