Qarax lala beegsaday Tareen dhulka hoostiisa mara ee magaalada London.

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay qarax dhulka hoostiisa ka dhacay Koonfur galbeed ee magaalada London, waxaana deg deg goobta ku gaadhay ciidamada booliska iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka.

Sawiro la soo qaaday ayaa waxaa ka muuqday baaldi cad oo holac ka baxayo, kaasoo u muuqda in waxyaabo qarxa lagu soo qariyay.

Booliska ayaa baadhaaya waxyaabaha qarxa oo aanay geysan waxyeelo aad u weyn, balse dadkii saarnaa tareenka ayaa kala cararay, halka qaarkood ay isku wada dul kufeen kala firxadka darti.

Warbaahinta UK ayaa soo tabanaya in dhacdadan ay dhalisay dareen iyo feejignaan ku aadan qatarta kooxaha argagixisada ka imaaneysa.

Goobaha  tareenka laga raaco ee koonfur galbeed ee magaalada London ayaa la xidhay, halkaasoo ciidamo fara badan la geeyay, wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Booliska.